|

Galmudug oo ka hadashay dagaalka degaanka Labi-Caano

Maamulka Galmudug ayaa hadlay dagaal beeleed Khasaare badan geystay oo Shalay ka dhacay degaanka Labi Caano oo 45 KM ujira Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galgaduud.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waddaan dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo dagaalka , waxaana uu sheegay in odayaal ay u dirayaan degaanka.

Maxamed Cali Cilmi ayaa sheegay in Galmudug ay qaadi doonto tilaabo lagu xalinaayo dagaalka degaanka Labi Caano.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Labi Caano uu qeyb ka yahay khilaafaadka dhanka Siyaasadda ee ka jira Galgaduud.

Dhanka kale Gudoomiye Maxamed Cali Cilmi ayaa ugu baaqay beelaha dagaalamaya degaanka Labi Caano  in ay xabadda joojiyaan,islamarkaana ay nabad qaataan.

Comments are closed