|

Galmudug oo qabatay Gaari ay soo dhaceen Kooxo burcad ah

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug ayaa Saaka gacanta kusoo dhigay gaari ay la heyd Wasiir ku xigeen ka tirsan Puntland oo ay soo dhaceen kooxo burcad ah.

Howlgalkaan ayaa waxaa si gaara ah u fuliyay Ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo.

kooxaha Burcada ah oo soo dhacay Gaari ay laheyd Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa waxa ay lasoo aadeen degaanada Galmudug.

Ciidamada Booliska maamulka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijiyo Ammaanka ,islamarkaana looga hortagaayo kooxaha Burcadda ah.

Comments are closed