|

SAWIRO: Jaaliyada Galmudug Ee Sweden Oo La Kulmay Madaxweyne Xaaf

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa magaalada London ee Caasimada Dalka ingariiska Waxa uu kula kulmay Xubno ka tirsan Jaaliyada Galmudug ee Sweden,

Xubnaha Jaaliyada Galmudug ayaa ka baxay caasimada Sweden ee Stockholm waxana ay ka qeyb galeen Xaflada madaxweynaha Galmudug ee ka dhacday London,

Xaflada kadib ayey kulan gooni ah waxay la qaateen Madaxweynaha Galmudug kulan dheer kaasi oo ahaa mid ku aadan xiriirka Madaxweynaha Galmudug ee Jaaliyaada Sweden,

Xubnaha waxaa ku jira Gudiga jaaliyada Galmudug ee Sweden iyo xubno kale oo ka tirsan Jaaliyada,

Majiro Xog dheeraad ah oo warbaahinta mudug24 ka heshay kulanka kaasi oo u muuqda mid ku aadan hambalyada madaxweynaha oo dhawaan xilkaasi ku guuleestay,

Comments are closed