|

Xiisad dagaal oo maanta ka taagan Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degaanka Labi-Caano oo ay Shalay ku dagaalameen Maleeshiyo Beeleed ,ayaa waxa ay sheegayaan in Saaka halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad dagaal.

Maleeshiyaadkii dagaalamay ayaa isku horfadhiya Miyiga degaanka Labi Caano.

Wariyaasha  Galgaduud ayaa kusoo waramaya in Saaka degaanka laga dareemaayo xaalad kacsanaan ah.

Odayaasha dhaqanka Gobolka Galgaduud ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo dagaalka Galgaduud.

Inta ka badan 6 qof ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo shalay ka dhacay degaanka Labi-Caano oo 45 KM ujira Magaalada Dhuusamareeb.

Comments are closed