|

Dhagayso+Sawirro: Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Golaha Wasiirada Galmudug Ay Ku Yeesheen Magaalada Cadaado

 

Golaha xukuumada dawlada galmudug ayaa maanta kulankoodii khmaiis laha ahaa ku yeeshay xarunta madaxtooyada galmudug ee magaalada cadaado waxaana shir gudoominayay madaxwaynaha dawlada galmudug axmed ducaale geele xaaf

Kulanka waxaa diirada lagu saaray arimo ay ka mid yihiin amniga,kobcinta dhaqaalaha iyo soo bandhigistya qorshe howleedka wasaaradaha

Wasaarada amniga gudaha ayaa sheegtay in ay wali socoto xasilinta amniga dagmooyinka galmudug lana soo qabtay gacan ku dhiiglayaal dil u gaystay dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka qaydaro ee gobalka mudug cadaaladana la horkeeni doono

Sidoo kale wasaarada maaliyadda dawlada galmudug ayaa ka warbixisay shir dhawaan ka dhacay magaalada muqdisho oo wasaaradaha maaliyadaha dawlad gobaleedyada iyo wasaarada maaliyada DFS u dhexeeyay waxayna wasaaradu sheegtay in looga hadlay nidaamyada maaliyadeed ee wadanka sida looo midayn karo canshuuraha airport yada iyo dakhliga kasoo xarooda laanta socdaalka dhawaana la tagi doono dawlad gobaleed kasta

Ugu dambayn wasaaradaha dawlada galmudug ayaa soo bandhigay qorshahooda shaqo iyadoo dhawaan la shaqaalaysiin doono shaqaalihii ugu badnaa ee dawlada galmudug

Comments are closed