|

DEG DEG : 9 qof oo ku dhimatay Gobalka Mudug Iyo In Ka Badan 56 ruux Oo La Samatabixinayo

Ilaa hadda tiradda la xaqiijiyey ee dhimatay ayaa gaaraya 9 qof, waxaana ay u dhinteen cudurro kala duwan oo ka dhashay abaarihii ku dhuftay kal hore gobaladda Soomaaliya.

Dadkan ayaan ku geeriyooday magaalada Xarfo ee gobalka Mudug, waxaana hadda isbitaalada jiifa in ka badan 65 qof oo hadda lala tacaalayo caafimaadkooda, sidda ay sheegayaan Saraakiisha Caafimaadka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa gaaray magaalada Xarfo, wuxuuna la kulmay Maamulayaasha Adeegyada Caafimaadka iyo Isbitaalada oo uu kala hadlay sidii uusan Cudurkan u faafi laheyn.

Gargaar caafimaad oo deg deg ah ayaa lagaarsiiyey goobaha Caafimaad, waxaana la xaqiijiyey in aad loola dagaalamayo cudurkan si uusan u faafin.

Dadka magaalada Xarfo ayaa lasiinayaa wacyigalin la xariirta arrimaha ka hortagida Cudurka Shubanka, taas oo ay qeyb ka qaadanayaan xubnaha deegaanka.

Comments are closed