|

Geel ay kala dhaceen Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo si nabad ah loogu kala wareejiyay dadkii lahaa.

 

Illaa 300 Halaad ayaa maanta waxaa lagu kala wareejiyay Qoysaskii lahaa oo ka soo kala jeeda Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Munaasabada lagu kala wareejinayay geelaasi ayaa waxaa si wada jir ah uga soo qeyb galay Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Maamullada Puntland iyo Galmudug iyo weliba Waxgaradka labada dhinac.

Waxaana Waxgaradka labada Maamul oo ka hadlay munaasabadaasi ay sheegeen in tani ay qeyb ka tahay guulihii laga gaaray xal u helista Colaaddii ka aloosneed Gobolka Mudug.

Maleeshiyo Beeleed kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa horay dagaallo waxa ay ku dhexmareen Gobolkaasi Mudug , waxaana  muddooyinkii dambe socday dadaallo nabadeed oo si weyn ay u soo dhaweeyeen shacabka labada Maamul.

 

Comments are closed