|

(Daawo+Muqaal)Qaabkii Ay u dhacday Doorashadii Hogaanka Suxufiyiinta Gobalka Mudug Ee Galmudug

Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Dawlad Goboleedka Galmudug Maamulka Degmada Gaalkacyo kan gobolka mudug ayaa ka qayb galay munaasabad lagu dooranayay Hogaanka Cusub ee Ururka Suxufiyiinta Gobolka Mudug ee Galmudug…

Doorashada oo ka dhacay hotelka Empazy ee Gaalkacyo waxaa ku tartamay Sadax wariye oo kala ah Wariye Liibaan Cajiib Xaaji, Wariye Axmed Khaliif Geedi oo kamid ahaa wariyaasha Gobolka mudg mudada dheer kasoo shaqeeyay iyo Wariye Fantastik oo kamid ah wariyaasha ku cusub saaxada gobolka mudug ee dhanka Saxaafada isagoo lasoo galay dardar xoogan oo keentay in uu yeesho hami ku aadan hogaanka sare ee ururka Suxufiyiinta Gobolka mudug,..

Doorashada waxaa codkooda dhiibtay dhamaan suxufiinta Gobolka Mudug waxana ka qeyb galay suxufiyiin ka kala yimid deegaanka Galmudug gaar ahaan Magaalada Cadaado,

Soo dhaweyn iyo khudbad jeedin kadib waxaa bilaabatay codadka wariyaasha iyo cod dhiibashada waxana 25 cod nadiif ah ku guuleestay Wariye liban Cajiib Xaaji oo xilkaasi loo gartay in uu qaban karo,.

Wariye Burhaan Cabdulaahi Xaashi oo ahaa Gudoomiyihii hore ee ururka Ayaa hambalyo u jeediyay Liban Xaaji isagoo u rajeeyay in uu xilkaasi Alle u fududeeyo.

Burhaan ayaa dhankiisa lagu amaanay halka uu ururka kasoo qaaday iyo halka uu maanta tiigsaday taasi oo sabab u noqotay in khilaafka wariyaasha meesha laga saaro,

dhanka kale Wariye Axmed Khaliif Geedi iyo Xasan Fantastik ayaa dhankooda hambalyo u jeediyay guusha uu gaaray walalkooda iyagoo balan qaaday in ay la shaqeendoonaan inta uu xilka hayo

 

HOOS KA KA DAAWO WARBIXIN BY WARIYE CALI MAALIN .

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440       

Comments are closed