|

DEG DEG: Wariye Cumar Seerbiya Oo lagu Xiray Somaliland

Wararka ka imaaaya magaalada hargeysa ee maamulka somaliland aya waxa ay sheegayaan in wariye cumar seerbiya lagu xiray halkaas isaga oo baryahii dambe ka shaqeynayay magaalada muqdisho ee  caasimada soomaaliya.

Somaliland wali kama aanay hadlin sababta ka dambeysa xariga wariyaha iyo waqtiga xarigiisu uu soo gaban gaboobi doono , ilawareedyo lagu kalsoonan karo aya inoo xaqiijiyay in askar ka tirsan kuwa somaliland ay wariyaha u kaxeeyeen jihada xabsiga dabadeedna la xiray.

Somaliland aya horay u xirtay wariyayaal iyo fanaaniin lagu soo eedeeyay inay tageen magaalada muqdisho sida wariye cabdi maalik muuse coldoon iyo xubno ka tirsanaa kooxda xidigaha geeska laakin dhamaantod waxay dib u heleen xoriyadoodi lamana oga halka uu ku dambeyn doono xariga wariye cumar seerbiya.

WAXII WARA OO KUSO KORDHA HALKA KALA SOCO

NALASOO XIRIIR : 0618550888

Comments are closed