|

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya kalfadhiga Baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta lagu waddaa in uu furo kalfadhiga Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayasha Baarlamaanka ayaa bilihii lasoo dhaafay ku maqnaa Fasax.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa lagu waddaa in uu xildhibaanada u jeediyo khudbad dheer oo uu kaga hadlaayo xaaladda dalka uu ku jiro iyo sidoo kale waxqabadkii dowladda Muddii ay jirtay.

Ammaanka qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay , iyadoona wadooyinka soo gala xarunta golaha Shacabka iyo Madaxtooyadda Ciidamada dowladda ay ka waddaan baaritaano culus.

Comments are closed