|

Nin Soomaalida tahriibin jiray oo gacanta lagu dhigay, lagana soo dejiyay Muqdisho iyo xukun adag…….

Ciidamada Ammaanka ee dalka Koofurta Sudan ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo dadka Tahriibin jiray, kaasoo loo soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle ayaa waxaa baadigoob ku hayay Booliska Adduunka ee Interpol, waxaana uu ka mid ahaa ragga ugu waa weyn ee wax tahriibiyay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koofurta Sudan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ninkan muddo badan lagu raad-joogay, ugu dambeyn lagu guuleystay in la qabto, lana geeyo magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa ka mid ahaa koox dadka tahriibiya oo fadhigooda ahaa dalalka Koofurta Sudan iyo Sudan, waxaana sidoo kale gacanta lagu hayaa saddex nin oo kale oo la shaqeyn jirtay.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa la sheegay bilihii la soo dhaafay laga tahriibiyay Gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasoo tahriibintooda ka qeyb qaadan jireen shabakado isku xiran oo ku kala sugan Soomaaliya, Koofurta Sudan, Sudan, Masar, Libiya illaa Talyaaniga.

NALASOO XIRIIR : 0618550888

Comments are closed