|

Axmed Madoobe oo Xildhibaanada ka Dalbaday Arin Muhiim Ah

 

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam “ Axmed Madoobe” ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in aysan waqti dambe ku lumen khilaaf dhexdooda ah.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in hada aan loo baahneyn in waqti badan lagu lumiyo tartan siyaasadeed oo madaxda dowladda dhexe dhexdeeda ah

Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliya ay u baahan yihiin Xasilooni Siyaasadeed isla markaana loo baahan yahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo hormarka Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ay diyaar u yihiin in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxda Dowladda Dhexe.

Comments are closed