|

Deegaanka Lamu oo Barakac bilaabay iyo Dadka Oo Cabsi Ka Qaba In Sida Digaaga Loo Gowraco

Dadka kunool  degaanka Laamu ee dalka Kenya ayaa bilaabay in ay ka barakacaan Guryahooda ka dib markii ay kordheen Weerarada degaankaasi ay ku qaadayaan Al-Shabaab.

Tiro badan oo ka mid ah dadka degaanka ayaa shalay iyo xalay ka baxay Magaalada , waxaana ay sheegeen hadii ay Shabaab qabtaan in ay dilayaan.

Dadkaan ayaa ka naxsan Weeraro maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Lamu iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada ee ku yaalla xadka Soomaaliya.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa wariyeyaasha u xaqiijiyay in dadka barakacay ka badan yihiin boqol qoys.

Arbacadii ayaa la dilay Afar Sargaal oo ka tirsan Ciidamada booliska degaanka Pandagou , waxaa sidoo kale Meydadka 9 qof oo la gowracay lasoo dhigay degaanka Jim Habeenkii Jimcaha.

Dowladda ayaa xalay sidoo kale shaacisay in degaankaasi lagu soo rogay Bandow si loo xaqiijiyo Ammaanka.

Comments are closed