|

Galmudug Oo Maamul Daris La Ah Ku Eedaysay Sicir Bararka Iyo Isbadalka lacagta Shilinka Somaliga Ee Gobolada Dhaxe

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Risaaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay dhibaatada Shacabka reer Galmudug ka heysata Lacagta Shilin Soomaaliga oo laga diiday degmooyinka qaar.

Waxaa uu sheegay in Wasiirada maamulka Galmudug , gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga in ay ku guuldareysatay in ay wax ka qabtaan dhibaatada Shacabka ka heysata lacagtaasi.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo wax looga qabanaayo Shilinka Soomaaliga , Maadaama Shacabka uu soo  wajahay Sicir Barar xooggan.

Maamulka Hirshabeelle ayuu ku eedeeyay lacagaha been Abuurka ah ee lasoo galiyay degaanada maamulka Galmudug.

Maalmihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah gobolada Dhexe waxaa ka taagnaa Sicir Barar ka dhashay lacagta Shilinka Soomaaliga oo ganacsatada qaarkood ay diideen.

Comments are closed