|

Masuul Ku Gacan Sayray xil uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo+SABAB

General Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sheegay in uu diiday qabashada xilkii dhawaan uu u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, kasoo ahaa Gudoomiyaha Guddiga  taakuleynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in xilligaan uu doonaayo in uu taariikhda Baro dhalinyarada Soomaaliyeed, uuna ka cudur daartay xilkaasi.

Wuxuu sheegay markii hore xilkaasi in aanan lagala tashan hadana uusan diyaar u aheyn qabashada xilkaasi ah madaxa Taakuleynta ciidanka Soomaaliya, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray in magacaabistaasi ay ku dhacday si qalad ah..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Habeen hore  u magacaabay General Jaamac Maxamed Qaalin inuu noqdo Madaxa taakuleynta ciidanka Soomaaliya.

Comments are closed