|

XOG: Waa Maxay Go,aanka Xildhibaanada Ee Mooshinka Ka Dhanka Ah RW Kheyre

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Mooshin la sheegay in laga waddo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumado ay heyso Shaqo Fiican , islamarkaana aysan ka waddin wax mooshin ah.

Xildhibaan Cismaan Daalo ayaa  sheegay inay rajeynayaan shaqada Baarlamaanka iyo Xukuumadda u dhaxeysa inay noqoto mid sare u kacdo, lagana shaqeeyo danta shacabka.

C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa asna dhankiisa ayaa sheegay inuusan  xumeyn  xiriirka Xukuumadda iyo Baarlamaanka ka dhaxeeya

“Waxaa la hadal haayaa in Xukuumadda iyo Baarlamaanka mugdi mugdi uu ku dhexjiro arintaasi waxba kama jiraan haddii aan nahay Xildhibaanada wada shaqeyn buuxda ayaan diyaar ula nahay Xukuumadda.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay Warar sheegaya in xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay waddaan Mooshin ka dhan Xukumadda Soomaaliya.

Comments are closed