|

DEG DEG : Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo Gaalkacyo Soo Gaaray Iyo Shirar Socda

Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxaned Xaashi Cabdi Carabey ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kadib waxaa uu toos uga qeyb galay xaflad ka socota Gaalkacyo oo leeskugu darayo Ciidanka Galmudug iyo Puntland kuwaasi oo yeelanaya ciidan suga amaanka Magaalada.

Goobta Xaflada waxaa ka socota labada madaxweyne ku xigeen iyadoo ay socota khudbad jeedinta masuuliyiinta Galmudug iyo Puntland.

Dhanka kale shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay arintaasi waxaana la sugayaa waxqabadkooda u horeeya.

Lasoco sawiro hordhac iyo qoraal kooban goor.dhow..

Comments are closed