|

XOG: Yaa Ka Dambeeya Dhismaha Ciidanka Isku Dhafka ah Ee Gaalkacyo Oo Maalgalinaya

Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug waxaa ka socota xaflad furitaanka tabarka loo sameenayo ciidan isku dhaf ah kuwaasi oo ka socda Galmudug iyo Puntland,

Ciidanka isku dhafka ayaa ah kuwa Bolis ah waxana ay ka shaqeyndoonaan amaanka magaalada Gaalkacyo iyagoo noqondoono kuwa isku jira dhinac walbo,

Ciidanka ayaa goor hore la diyaariyay waxana maanta socota tabarka la siinayo ciidankaasi iyadoo madaxda ka qeyb galeysa ay kamid yihiin madaxweynayaasha labada dhinac.

Hadaba yaa maalgalinaya Ciidanka,

Xog dheeraad ah ayaan ku wadnaa cida ka danbeesa isku dhafka ciidanka labada dhinac waxana wararka HOBYONET.COM ay heshay ay sheegayaan in Dowlada Somaliya iyo sidoo kale Qaramada midoobe ay maalgalineyso ciidankaan isku dhafka ee dhawaan heshiiskooda lagu gaaray Gaalkacyo,

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle iyo Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas ayaa heshiis ay ku gaareen magaalada Muqdisho kadib waxaa laga codsaday isku dhafka ciidanka taasi oo labadooda saxiixeen,

ula jeedka ugu muhiimsan ee ciidanka ayaa lagu sheegay sidii amaanka magaalada looga qeyb qaadan lahaa si wada jir ah,

Heshiiska kadib waxaa labada madaxweyne ay magacaabeen wasiiro kuwaasi oo Gaalkacyo soo gaaray isla markana shirar kadib gaaray heshiis dhoor qodob ah oo ay kamid tahay isku dhafka ciidan Boolis ah oo magaalada yeelato,

ugu danbeyn lama ogaan karo isbadalka magaalada kuwa imaan kara marka ciidanka la sameeyo hase yeeshee waa markii ugu horeesay ee Ciidan isku dhaf ah labada dhinac yeeshaan,

Comments are closed