|

Miyey Chelsea ka samirtay gooldhaliye Alvaro Morata?

Alvaro Morata ayaa weli bartilmaameedka koowaad u ah kooxda Chelsea oo raadineysa weeraryahan cusub oo qidbadda dhexe ka ciyaara, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay Chelsea tartan adag kala kulmeyso kooxda reer Italy ee AC Milan, sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail ee dalka England.

Labadaan kooxood Milan iyo Chelsea ayaa doorbidaya saxiixa gooldhaliyaha Real Madrid Morata, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay liiska ugu jiraan weeraryahanno kale sida Andrea Belotti oo Torino ah iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo Borussia Dortmund ah.

Milan ayaa qorsheysay inay maanta oo Talaado ah wadahadallo la gasho kooxda Borussia Dortmund waxayna kala hadli doontaa suurtogalnimada ku aadan lasoo wareegista Aubameyang, kaasoo lagu qiimeeyo 60 milyan oo ginni, laakiin Milan waxay doorbidi laheyd Morata, oo qiimo ahaan ka sarreeya Aubameyang.

Hase yeeshee, Chelsea ayaa la fahamsan yahay inay kalsooni ballaaran ku qabto soo xerogelinta Alvaro Morata, inkastoo ay horraantii bishaan bilowday qorsheyaal ay ku raacdeysaneyso weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero, kaasoo loo sheegay in uusan iib aheyn.

Comments are closed