|

Arsenal oo gool ku laadyo ku garaacday kooxda Bayern Munich Kulan Aarsi Umuuqday

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa rigooreyaal ku garaacday Bayern Munich kulan barbaro 1-1 ku dhammaaday oo ka dhacay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha.

Kulankan oo ahaa mid saaxiibtinnimo oo ka tirsanaa International Champions Cup oo waqtigii loogu tala galay 1-1 ku dhammaaday ayey Gunners ku badisay 3-2.

Bayern Munich ayaa goolka la horreysay waxaana rigoore u dhaliyey Bavarian Robert Lewandowski, laakiin Alex Iwobi ayaa waqtigii dhimashada madax ugu barbareeyey Gunners, kaddib karoos uu ka helay Aaron Ramsey.

Comments are closed