|

Maxa Kala Socotaa Kooxda Real Madrid Iyo Kulamada Saaxiibtinimo Oo Ay Cayaari Doonto

Naadiga Real Madrid oo xili cayaareedkii hore ku guuleesatay La Ligaha Spain sidoo kalena koobka horyaalada Yurub difaacatay ayaa markale diyaar xoogan ku jirto.

Kooxda Zidane hogaamiyo hadafkeeda wuxuu yahay inay difaacato La Ligaha sidoo kalena markii sedexaad oo xariir ah ku guuleesato koobka horyaalada Yurub xili cayaareedka cusub 2017/18.

Real Madrid tababarka waxay bilaawday 14-kii bishan July, haatana waxay ku sugan tahay gudaha USA ayadoo halkaas safar cayaareed u joogto.

Fadlan hoos kaga bogo kulamada u diyaarsan Real Madrid oo ay xagaagan tijaabo ahaan u cayaari doonto:

23/07: Real Madrid-Manchester United (Santa Clara, United States)

26/07: Real Madrid-Manchester City (Los Angeles, United States)

29/07: Real Madrid-Barcelona (Miami, United States)

Real Madrid ka hor inta uusan La Ligaha bilaabanin waxay 8 bisha August Super Cup-ka Yurub la cayaari doontaa kooxda Man United.

Sidoo kalena Super Cup-ka Spain waxay labo lug la cayaari doontaa naadiga Barcelona  12-ka bisha August garoonka Camp Nou halka lugta labaad lagu cayaari doono Santiego Bernabue 15-ka August.

NALASOO XIRIIR:0618550888

Comments are closed