|

Coutinho Oo Ogolaaday Barca, Mbappe Oo Lagu Dagaashan Yahay, Sanches Oo La Isku Heysto & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.


Manchester City ayaa isku dayeysa iney Real Madrid ku garaacdo 18-jirka As Monaco & xulka qaranka France Kylian Mbappe. (Mirror).

Si kastaba Citizens ayaa isku diyaarineysa iney bixiso aduun dhan 160 Malyan oo Pound, Pep Guardiola ayaana sii wadi doona lacagaha uu qarash gareynayo. (ESPN).

Arsenal ayaa qarka u saaran iney lasoo saxiixato 21-jirka Monaco khadka dhexe kaga ciyaara Thomas Lemar. (The Sun).

Barcelona ayaa wakiilo u dirtay England si ay isugu dayaan lasoo saxiixitaanka Philippe Coutinho walow Liverpool ay xili hore diiday dalab 72 Malyan oo Pound ah. (Sport).

Jurgen Klopp ayaan wax cabsi ah ka qabin in kooxdiisa ayqarash gareyso lacago culus xagaagan iyadoo sii wadeysa raacdada ay ugu jirto Virgil van Dijk. (Mirror)

Ciyaariyahanka khadka dhexe Bayern Munich Renato Sanches ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu isaga tago Allianz Arena. Milan & UNited ayaana xiiseynaya xidigaan lagu qiimeeyo 43 Malyan oo Pound. (Independent).

Barcelona ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay Philippe Coutinh xilli kooxda ka dhisan Spain ay kula soo wareegeyso xidigaan aduun dhan 89 Malyan oo Pound. (Marca)

Comments are closed