|

DEG DEG: Qarax Gaari Loo Adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlay Magaalada gudaheeda.

Gaari maraayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga Waaberi iyo Hotel Maka Al-Mukarama, ayaa mar kaliya qarxay, waxaana uu u muuqday qaraxa mid gaariga ay ku jireen, maadaama mar kaliya uu qarxay gaariga.

Gaariga qarxay ayaa hor maraayay Midnimo Super Market oo ah xarun ganacsi kuna taalo laamiga dabka, waxaana jira khasaare dhimasho ah oo ka dhashay gaarigaasi.

Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa durbadiiba ku cararay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana la xiray wadada, iyadoo hadda ay socoto baaritaanka gaariga qarxay iyo shaqsigii watay.

Illaa hada lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan balse waxii wara oo kusoo kordha hakan kala soco

Comments are closed