|

Faah faahin Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Qaraxa Ka Dhacay Wadada Maka Al Mukarama Ee Muqdisho+Sawirro

4-qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Qarax xoogan oo ka dhacay goordhaweyd Inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa u badan haween iyo dhalinyaro ku sugnaa goob lagu iibiyo shaaha.

Goob-joogayaal ku sugan Wadada Maka-almukaram ayaa  sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,islamarkaana uu qarxay xili uu marayay xarun lagu magacaabo Midnimo Super Market .

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya oo xiligaas wadada marayay , inkastoo aan si dhab aan loo ogeyn wararkaan.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya,waxaana gabi-ahaanba la xirey wadooyinkii soo galayay halka uu qaraxa ka dhacay.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa , si kastaba ha ahaatee muddo ka dib tan markii ciidan xasalinta caasimada ay la wareegeen aminaga muqdhiso aya waxa caasimada somaliya ay marti galisay qaraxyo fara ku tiris ah.

 

 

Comments are closed