|

FAALO: Nalkii Dalka U Baxay Iyo Naxuuskii Cadawga

Soomaaliya Waxa ay ka mid tahay Wadamada Sida Weyn Caalamka Uga Shaac Baxay Dib Udhac,Dowlad La,aan Iyo Musuq Dhowr Iyo Labaatankii Sano Ee U Dambeysay Dalka Waxa Ka Jiray Dhibaatooyin Badan Sida Dagaal Beeleedyo Dil Joogto Ah,Dhac Boob Iyo Kufsi Haba Ugu Horeyso Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho Oo ah Muraayada Dalka.
Isbadaladu laka mudan oo kala macno badan Soomaaliya Aya Kumeel Gaarnimadii Ka Baxday Sanadii 2012kii Taasi Oo Ahayd mid ka mid ah isbadaladii Ugu muhiimsanaa ee dalka soo maray mudadii burburka,Muddo 4sano ah uun kabid markii laga baxay ku meel gaarnimadii waxa wadanka ka dhacday doorashada madaxweynaha soomaaliya oo iyana ahayd markii labaad oo muqdisho lagu doorto madaxweyne soomaaliya ay yeelato,shacabka soomaaliyeed aya iskusoo baxay dal iyo dibadba waxayna taageero u muujiyeen madaxweyne Maxamed cabdi laahi farmaajo Oo loo dhiibay majaraha dalka baarlamankuna waxay ka turjumeen baahidii iyo baaqii shacabka.
Madaxweyne Farmaajo aya 16 maamlood gudahood kusoo magacaabay ra,isal wasaare xassan cali kheyre oo saaxadda siyaasada horay loogu aqoon balse noqday halyay dhiiran Oo howl kar ah waxa bilowday mowjado wata shaqo iyo isla xisaabtan taasi oo meesha ka saartay musuq maasuqii dalka la dagay waxa dhamaaday caadooyin badan oo madaxda soomaalida lagu yaqaanay oo ay ka mid tahay nin jecleysi iyo la saaxiibida mukeyfka.
Wax waliba waa isbadaleen maanta muqdisho waa amni maanta muqdisho wey hilaaceysa horayna waa loo socda taasi waxa sabab u ahaa unkida ciidan la magacbaxay ciidanka xasilinta caasimada oo yareeyay ama meesha ka saaray qaraxyo iyo dhibaatooyin badan oo ka dhici jiray magaalda hadda maanta dadka muqdisho haday xabbad maqlaan waxay la tahay cajab iyo amakaag halka markii hore xitaa madaxdu xabbada ku furan jireen wadooyinka ciriiriga ku noqda waxa intaa dheer in dhamaan ciidanka milatariga ah laga saaray muqdiho cidna maanta looma ogala xamar inay hub kula dhex laafiyooto taasina waxy keentay inu jawigu dago.


Arinta wiiqday weerarada,wareerka, buuqa iyo gadoodka ciidanka aya ah inay helaan mushaaraadka bilowga bil walba dhinaca kale waxa jira ciidamo loo dhisayo maamul goboleedyada dalka oo ah illa 3kun maamul walba sida Galmudug, Puntlan, hirshabelle, koonfur galbeed,jubbaland iyo maamulka gobolka banaadir ciidanka aya sugi doona amniga goobaha loo tababaray.


Waa marag ma doonto in cagta lasaaray wadadii hormarka cadaaladda sinaanta iyo barwaaqada, sidaasi oo ay tahay dadbay meeli bugtaa oo aan la tusi karin soomaali oo wax noqota ama la xushmeeyo, balse durduro geelbaa ku jabay oo ilama aha in dowladani ay gacmaha ka laabaneyso cidda hortaagan nolosha dadka soomaaliyeed itaalkay doonaanba ha lahaadaan.

Waa qof iyo Garaadkiise ma haboontahay in la mucaarado ruuxi wax qabta midka wax xanada lagu sheego xariif wax kala wadi kara waxay filayaa in soomaali aanay xiiso u qabin wax dib u dhac ah sidoo kalana casharo laga qaatay waxii lasoo maray.
hadaba dowladnimo waatan oo helnay ee aan hanano oo yaan loo hiloobin hilib walaal.
W/Q: Wariye Saacid Abshir Xareed

NALASOO XIRIIR:0618550888 AMA saacidxareed9@gmail.com

 

Comments are closed