|

Madaxweyne Xaaf oo Amray Ciidamada Booliska Galmudug(SABAB)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle ayaa ku amray saraakiisha Ciidamada Booliska maamulka Galmudug in ay qaadaan tilaabooyin lagu joojinaayo dagaal beeleedyadda ka socda degaanada Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in ciidamada Booliska Galmudug ay guuldareysteen in ay joojiyaan dagaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidamada Booliska laga doonaayo in ay si deg deg ah ku joojiyaan dagaallada Xeraale iyo Caabudwaaq.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Ururka Ahlusunna in ay joojiyaan dagaallada, islamarkaana ay soo raacaan Galmudug.

Galmudug ayuu sheegay in ay diyaar u tahay in wax walba lagu dhameeyo wadahadal.

Comments are closed