|

QM oo Galmudug Ka Taageeraysa Arimo Badan Iyo Shir Looga Hadlayo Baahiyaha Galmudug Oo Muqdisho ka furmaya

Magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa maalmaha soo socda in uu ka furmo Shir looga hadlaayo Abaaraha iyo sidoo kale dagaallada ka jira degaanada maamulka Galmudug.

Shirkaan ayaa waxaa garwadeen ka ah Qaramada Midoobey, waxaana lagu rajo weyn yahay in lagu soo Afjaro dhibaatooyinka ka jira degaanada Galmudug.

Qodobadda Shirka  looga hadli doono waxaa ka mid dah arrimaha Siyaasada, Samafalka, Ammaanka iyo xalinta khilaafaadka Ahlusuna iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle ayaa sheegay in uu dadaal badan uu ku bixin doono hagaajinta nidaamka dowladnimo ee Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu fashilantay in ay dhexdhexaadiso Galmudug iyo Ahlusunna.

Comments are closed