|

Dagaal Beeleed Ka Socda Degmada Goldogob Ee Gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal beeleed khasaare geystay.

Dagaallka ayaa  u dhaxeeyay beello walaalo ah waxaana  la xaqiijiyey in dagaalladaasi ay ku dhinteen 2 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dagaalka ayaa salka ku haaya Muran dhul ku yaalla degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Qof ka mid ah dadka Galdogob ayaa  sheegay in ay wali taagan xiisadda u dhaxeysa Beelahaasi,islamarkaana ay waddaan labadda dhinac hub aruursi.

Maamulka degmada Galdogob iyo sidoo kale saraakiisha Ciidamada Booliska ee degaanka ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu dejinaayo Xaaladda kacsan.

Comments are closed