|

DHAGEYSO: Maxu Ka Yiri Sheekh Maxamed Dirir Kaniisad dib looga furay Hargeysa?

Sheekh Maxamed Dirir oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Kaniisad dhawaan dib looga furay Magaalada Hargeysa.

Sheekhu waxa uu tilmaamay inaysan Sharciyan bannaaneyn in dhulka Muslimiinta laga furo Kaniisado , hadii ay horay ugu  yaaleen ay muhiim tahay in la burburiyo.

Waxaa uu sheegay in sida Sharciga aan la cusbooneysiinkarin Kaniisadaha ku yaalla dhulka Muslimiinta  ay degan yihiin.

Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa waxaa laga furay Kaanisad lagu sheegay in ay ku cibaadeysan doonaan dadka aan Muslimka aheyn.

Maria Vechhinno oo ah haweenay Kirishtaan ah kuna sugan Somaliland, ayaa sheegtay door wayn inay ku laheyd dib u furista Kaniisad ay ku cibaadeystaan dadka Kirishtaanka ah ee ku sugan Somaliland, taasi oo laga furay Magaalada Hargaysa.

Comments are closed