|

Xaalada Adag Oo Ka Jirta Deegaanka Sadex Higlo Ee Gobolka Mudug Iyo Macluusha Oo Laga Cabsi Qabo Dad Inay Galaafato

Maamulka dagmada sedex higlo ee gobalka mudug ayaa ka warbixiyay xaalad adag oo dhinaca nolasha ah oo ka taagan dagmadaasi iyo deegaanada miyiga ah ee ku xeeran

Gudoomiyaha dagmada sedex higlo khaliif warsame ayaa sheegay in xaalado caafimaad daro ay ka jiraan sedex higlo ka dib markii uu xirmay isbitaalkii ay adeegyada caafimaadka u doonan jireen dadka deegaanku taasina ay keentay in dad badan ay caafimaad daro dagmada gudaheeda ugu dhinteen

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa ka hadlay amniga guud ee dagmadaasi iyo isbaarooyin dhawaan la sheegay in la dhigtay duleedka dagmada sedex higlo arintaasi oo uu sheegay in ay wax ka qabteen

Gudoomiyaha ayaa ugu dambayn ugu baaqay maamulka galmudug iyo hay,adaha samafalka in ay usoo gurmadaan dadka reer sedex higlo oo ay abaaro iyo caafimaad la,aani iskugu darsantay

Comments are closed