|

SAWIRO: Xidiga Dunida Kubadda Cagta Ugu Qaalisan Neymar Oo Ku Biiray PSG Iyo Barcelona Oo Shaacisay Laacibka U badali Kara

Ciyaaryahanka ugu qaalisan Adduunka Neymar Jr ayaa lagu soo bandhigay garoonka ay ku ciyaarto Kooxda reer France ee Paris, kaddib markii la dhameystiray heshiiska uu ugu wareegay kooxdaas.

Neymar ayaa diyaarad qaas ah saaka ka dejisay garoon diyaaradeed oo ku yaala Paris, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Ciyaaryahankan ayaa lagu iibsaday lacag gaareysa 198 oo pound, kaasoo lagu bur buriyay qandaraaski uu kula joogay Barcelona.

Neymar ayaa xiran doona Funaanada Nambarkeedu yahay 10, waxaana uu garoonka Paris ku sameeyay dhoolatus kooban.

Madaxweynaha Kooxda PSG Nasser Al Khelaifi ayaa ku soo dhoweeyay Neymar garoonka PSG, waxaa uu sheegay heshiiskiisa uu yahay mid aan qarsooneyn oo si sharci ah ku dhacay, isagoo xusay in lacagta kooxda bixisay ay dhowaan dib u heli doonto.

Neymar Qoyskiisa ayaa ku sugnaa garoonka, waxaa soo dhoweeyay Taageerayaasha kooxda PSG oo aad ugu faraxsanaa in lala soo wareego.

Comments are closed