|

Madaxweyne Xaaf Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Eedeymaha Ahlusunna Ee Dagaalkii Xeraale

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Geelle Ducaalle ayaa sheegay in maamulka Ahlsuunna laga doonaayo in ay soo raacaan maamulka Galmudug,maadaama uu sheegay in dhibaato culus ay heysato dadka kunool degaanada maamulkaasi ay gacanta ku hayaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Galmudug in Ahlusunna ay yihiin dad culimo ah ,islamarkaana laga doonaayo  in dadka ay ku heystaan qeybo ka mid ah Gobolada Dhexe in ay kusoo daraan maamulka Galmudug oo ah Midka Sharciga ee Gobolada Dhexe ka jira.

Sidoo kale  waxaa uu tilmaamay in Ahlusunna  iyo Galmudug uu u socdo wadahadallo Muuqdo in ay guuleysan doonaan.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay hadallada Ahlusunna ay ku eedeyso Galmudug ee ah in ay ka dambeysay dagaallo ka dhacay Xeraale.

Xaaf waxaa uu xusay in Galmudug aysan suurgal aheyn ay weerarto dadkeeda , laakiin Ahlusunna ay ku eedeeyay in ay dhibaato ku hayaan dadka ku hoos nool.

Ururka Ahlusunna ayaa ka taliya Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Galgaduud.

Comments are closed