|

(Dhageyso)Maamulka Degmada Budbud Oo Fariin Culus U diray Galmudug.

Gudoomiyaha Deegaanka Budbud Ee Gobalka Mudug Maxamed Axmed Kulan Oo Wareysi Gaara Siiyay Idaacada Codkamudug Ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Ka warbixiyay Xaalka Nololeed ee Dadka Ku Nool Degmadaasi Iyo Deegaanada Hoos Taga isagoo Sheegay in ay Jiraan Baahiyo Kala Duwan oo Haysta Dadka.

Gudoomiyaha Ayaa Masuuliyiinta Maamulka Galmudug Ku eedeeyay In ay Ka Gaabiyeen wax u Qabashada Dadkaasi Wuxuuna Xusay In ay Yihiin Deegaan Ay Galmudug Ilowday..

Maxamed Axmed Kulan ayaa Carabka Ku dhuftay in Baahiyaha Ugu Daran Ee Ka jira Deegaanku Yihiin Caafimaadaro,Biyaha Oo aan Nadiif ahayn,waxbarashada oo ay La,yihiin Cid ka Kalmaysa Iyo arimo Kale wuxuuna Baaq u Diray Dhamaan Cidkasta Oo Wax ka qabankarta Mushkiladaha Haysta dadka Reer Budbud…

 

HOOS KA DHAGEYSO CODKA GUDOOMIYAHA..

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440 

Comments are closed