|

(Sawiro)Ganacsatada Gaalkacyo Ee Galmudug Oo Yeeshay Kulan Ay kaga Arinsanayeen Nabada Gaalkacyo

Kadib kulan ay Hotelka Embassy Ee Magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Qaar ka Mida ganacsatada Gaalkacyo ee Galmudug,ayna Soo Qaban qaabisay Wasaarada Ganacsiga Iyo Warshadaha Galmudug ayaa Waxaa Sidoo kale Ka Soo Qayb Galay,Masuuliyin Ka Tirsan Galmudug,Waxgarad,Culimo,Haween Iyo qeybaha Bulshada ayaa Lagu Gorfeeyay Qaabka Ugu haboon Ee Ganacsatadu Door Muuqda uga qaadan karto Nabada Magaalada Gaalkacyo.

Shirka oo Saacado Socday ayaa waxaa Halkaa Qudbado Kala Duwan oo Quseeya Nabada ka Jeediyay Qaar ka Mida Masuuliyintii Iyo Qaybihii kale ee kulanka Ka Qayb galay,waxayna Dhamaantood Si Isku Mida Diirada u Saareen Habka Ugu haboon Ee Ganacsatada Reer Gaalkacyo Qayb uga Noqon Lahayeen taaba galinta nabada Gaalkacyo Maadaama Dhawaan Shaqaaqoyin Ka Dhacayeen Suuqa Gaalkacyo walow Hada Xal Horu dhaca Laga Gaaray Arinkaa..

Kulankan ay yeesheen Ganacsatada Gaalkacyo Iyo Masuuliyintu ayaa Qayb ka Ah Kulamada Ka Soconaya Magaalada Gaalkacyo Ee Xaruunta Gobalka Mudug Ee la doonayo In Xal waara laga Gaaro Colaadihii ku Soo Noq noqay jiray Gaalkacyo,Iaydoo Dhawaan Ay Meesha ka baxeen Jig gooyoyinkii Yaalay Qaar ka Mida Xaafadaha Magaalada, Kadib iskaashi ay Sameeyeen..Masuuliyinta Maamulada Galmudug Iyo Puntland Iyo Saraakiisha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Oo uu Hormuud u Ahaa Taliyaha Ciidanka XDS.S/gaas:C/wali Jaamac Xuseen cabdulle Gorod..Iyo Masuuliyin Kale oo ka Socotay Dowlada Soomaaliya..Waxayna Talaabadani Dhabaha U xaaraysaa Nabad Waarta oo Ka Hirgasha Guud Ahaan Goballka Mudug.

 

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

XUQUUQDA SAWIRADA  WWW.HOBYONET.COM 

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440 

Comments are closed