|

Dhageyso Isbaarooyin Lasoo Dhoobay Wadada U Dhaxaysa Cadaado Iyo Galinsoor Iyo Galmudug Oo Ka Hadashay

Kooxo Maleyshiyaad ah ayaa isbaarooyin fara badan dhigtay wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka cadaado iyo galinsoor ee gobalka galgaduud waxaana isbaarooyinkaasi dhib weyn ku qaba dad shacabkaa ee ku safraya wadadaasi.
Gudoomiyaha dagmada galinsoor ee dawlad gobaleedka galmudug xirsi muuse maxamed oo waraysi gaar ah siiyay idaacada codkamudug ee magaalada gaalkacyo ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in ay ka war hayaan isbaarooyinkaasi oo uu sheegay in dhowr jeer oo hore la qaaday balse dib loosoo celiyay.
Waxa uu intaasi raaciyay gudoomiyaha dagmada galinsoor in ay arinkaasi kala hadleen wasaarada amniga galmudug maalmaha soo socdana talaabo cad laga qaadi doono maleyshiyaadka isbaarada dhigtay

Hoos Ka Dhageyso Waraysi Gudoomiyaha Uu La Yeeshay Wariye Cali Maalin Nuur

XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUG

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

CMAALIN17@GMAIL.COM        

HOBYOEDITOR1@GMAIL.COM

TELL:25290-7647333/252678647333/252167150440 

Comments are closed