HobyoNet.Com

Ganacsatada Magaalada Hobyo oo ka cabanaya Diyaarado Dagaal oo bur buriyay Doomihii ay ku kaluumaysan jireen
Hobyo-hobyonet)Ganacsatada Magaalaad Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa ka cabanaya Diyaarado dagaal oo labadii Maalin ee la soo dhaafay Bur bur xoogan u gaystay Doomihii ay ku kaluumaysan jireen.

Gudoomiyaha Ganacsatada Magaalada Hobyo Maxamed Cali Guure oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku duulaya ay bur buriyeen  Doomo ay lahaayeen Dad Ganacsato ah oo ka soo jeeda Magaalada Hobyo ee Gobalaka Mudug ,wuxuuna tilmaamay in Diyaaradaha Dagaalka ee Duqaymaha ka gaystay Xeebta Degmada Xarar dheere ay sidoo kale Shalay galab Duqaymo ka gaysteen Xeebta Magaalada Hobyo oo ay taagnaayeen Doomo kaluumaysi oo ay leeyihiin Ganacsatada Magaalada Hobyo.

Maxamed Cali Guure ayaa ku eedeeyay Diyaaradaha Dagaalka ee Duqaymaha ka gaystay Xeebta Hobyo inay dhibaato xoogan u gaysteen Ganacsatada iyo dadka danyarta ah ee kaluumaystada ah,wuxuna ugu baaqay Ciidamada ku sugan Biyaha Soomaaliya inay joojiyaan Duqaymaha ay ku hayaan Dadka Doomaha Dadka Shacabka ah ay leeyihiin.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Ganacsatada Magalaada Hobyo ayaa beeniyay wararka sheegaya in Doomihii la duqeeyay ay la haayeen  Kooxo Burcad Badeed ah,wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn wuxuuna sheegay in Xeebta Magaalada Hobyo horay looga cayriyay Kooxihii Burcad Badeed ahaa ee Fariisimaha ku lahaa.

Todobaadkan dhexdiisa ayey hayd markii Diyaaradaha Dagaal oo ka soo kacay Maraakiibta joogta Xeebaha Soomaaliya ay Gubeen Doomo taagnaa Xeebta Magaalada Xarar Dheere,waxaana xigtay Duqaymo ay shalay galab u gaysteen Doomo kaluumaysi oo ku xirnaa Xeebta Magalaada Hobyo ilaa iyo waqtigan wax war ah kama soo bixin Ciidamada Shisheeye ee ilaalada ka haya Maraakiibta marta Biyaha Soomaaliya.

Www.hobyonet.com

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo Beeniyay Hadal ka soo yeeray ku xigeenkiisa 1aad
Gaalkacyo-hobyonet)Gudoomiyaha Baarlaamanka Galmudug Xasan Maxamuud Hayl oo la hadlayay Warbaahinta ayaa beeniyay Hadal ka soo yeeray Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanaka Galmudug Cawke Sheekh C/raxmaan kaa ooo sheegay in waqtiga Xukumadda Madaxweyne Caalin ay ku egtay sanadka 2013.

Gudoomiye Hayl ayaa tilmamay hadlka ka soo yeeray Ku xigeenkiisa inuu yahay mid been abuur ah islamarkaana aan sal iyo raad midn lahayn,wuxuuna ku dooday in markii la dhameeyay Khilaafkii Galmudug bilawgii sanadkan lagu heshiiyay in Bisha August la qabto Doorashada Madaxtinimo ee Galmudug.

Xasan Maxmuud hayl waxaa kale uu sheegay marka laga soo tago in lagu heshiiyay Sanadkan bilawgiisii in markasta  Waqtiga Madaxweynaha uu ku ekaa Bisha August,waqtigii Odayaashu ugu dareena ay ku egtahay Bisha August waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu hadlkiisa raaciyay Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug in dhawaan la magacaabi doono Guddiga Doorasahad kuwaas oo uu sheegay in goor dhaw lagu dhawaaqi doono.

Sikastaba ha haatee Hadaladan iska soo horjeeda ee ay Saacadihii la soo dhaafay Warbaahinya sii yeen Gudoonka Baarlmanka Galmudug ayaa laga yaabaa inuu ma kale soo celiyo Khilaafkii u dhexeeyay Xubnaha Baarlamanka iyo Xukumadda Galmudug.

Www.hobyonet.com

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Galmudug”Dowladda Galmudug ee hadda jirta waxay talada sii haynaysaa ilaa 2013″
Gaalkacyo-hobyonet)Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Galmudug Cawke Sheekh C/raxmaan oo Shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Caalin uu Waqtigeedu ku egyahay Bisha Febraayo ee Sanadka soo socda ee 2013.

Cawke Sheekh c/raxmaan waxa uu arintaas sabab uga dhigay in markii Madaxweynaha ay odayaashu u kordhiyeen Waqtiga Sadexda sano ah ay ahayd Bishii Febraayo 2011,taasna uu cadayn iyo saxiixii Odayaasha uu hayo.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Galmudug ayaa tilmaamay in loo hogaansamo sharciga islamarkaana Dowladda hadda jirta Waqtigeeda la sugo.

Dhinaca kale Nabadoon Jaamac Maxamed Xalane Xaange oo ka mid ah Odayaashii uu Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Galmudug uu sheegay inay Saxiixeen Waqtiga Madaxweyne Caalin uu xilka haynayo ayaa sheegay in laga been abuurtay oo uusan saxiixin warqdda Magaciisa iyo Saxiixiisa lagu dhigay.

Waxuuna uga digay Cidii arintaas kaga been abuuratay inay raali galin buuxda ka bixiso islamarkaana ay kawaan towdo Hurinta Dhibaato ku soo laabata Shacbiga Galmudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Galmudug oo Hobyonet ay la xirirtay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Galmudug,waxayna Mas’uuliyiintaas oo diiday in Magacooda Saxaafdda lagu soo bandhigo ay tilmaaameen in Odayaashii Waqtiga u kordhiyay Madaxweyne Caalin Saxiixoodii ay hayaan ayna soo bandhigi doonaan goor dhaw.

Hadalka ka soo yeeray Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Galmudug ayaa ku soo aadaya xili la isku diyaarinayo Doorashada Madaxweynaha iyo midda Baarlamanka oo la filayay inay Bisha August ka dhacdo Deegaanada Maamulka Galmudug State.

Www.hobyonet.com

Police-ka dalka kenya oo shaaciyey inay qabqabteen raggii ka danbeeyey qaraxyadii xaley
Nairobi-hobyonet)Booliska dalka ayaa xiray nin lagu tuhunsanyahay in ku luglahaa weerar bambaano oo lagu qaaday baarlagu caweeyo oo ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya sida uu sheegay taliyaha ciidanka booliska Kenya Mathew Iteere oo saxafiiyiinta la hadlay.

Qofka la tuhmay ee la qabtay ayaa ka mid ah sadax qof oo ku dhaawacmay weerarkii xalay ka dhacay magaalo xeebeedka Mombasa halkaasi oo rag hubeysan ay rasaas ku fureen walxaha qarxana ay ku tuureen goob lagu caweeyo oo halkaasi ku taalay.

Iteere ayaa sheegay in qofka la tuhmay ee gacanta ay ku dhigeen ciidamada booliska uu soo jartay warqada baska lagu raaco si uu magaalada Mombasa sida ugu dhaqsiyaha badan uga tago weerarka ka dib.

Weerakii xalay ka dhacay maagaalada Mombasa ee dalka Kenya waxaa ku geeriyooday hal qof sadax kalan waa ay ku dhaawacmeen oo ay labo ka mid ah yihiin ilaaladii goobta cawayska ahayd ee weerarka lagu soo qaaday.

Weerakaani ayaa ka mid noqonaya weeraro dhawr ah oo ka dhacayay dalka Kenya tan iyo markii ay ciidamada dalkaasi ay duulaan hubeysan ku soo qaadeen konfurta Soomaaliya halkaasi oo ay gacanta ku hayeen Xarakada Al Shabaab oo ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

www.hobyonet.com

Xaflad balaaran oo loo sameeyey kooxda kubadda cagta ee jamhuuriya +sawiro
Sports-hobyonet)Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay oo ka dhacday dagmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ayaa looga dhawaaqay dhalinyaro juun yar ah oo ay yeelaneyso kooxda Jamuuriya ee heerka sadaxaad ee Soomaliya ciyaarta

Xafladaan oo ay ka soo qeyb galeen maamulka dagmadaas odayaal dhaqameedyo dhalinyarada haweynka laguna soo bandhigauy ilaa 23dhalinyaro ah oo da’dooda u dhaxeyso 19-16 loona carbinaayo in ay ka mid noqdaan kooxda Jamuuriya ayaa ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay macalinka kooxdan da’da yar macalin Bashiir Max’ed Cumar oo sheegay in dhalinyaradaan ay qaataan tababar subax iyo galab ah isla markaana ay ku jiraan kuwo ay farsamadooda ay aad u heer sareeyso

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha naadiga Jamuuriya Max’ed Cabdule Abukar {Taako} oo ku nuuxnuuxsaday ahmiyada ay leedahay in la sameeyo koox da’yar tababar wanaagsana lasiiyo si ay u badalaan kuwa kaga horeeya kooxda waxaana uu balan qaaday in uu sameyn doono koox kale oo kuwaan ka sii da’yar waxuuna isla goobta ku gudoonsiiyay qalab Sport oo dhameys tiran iyo lacag isagoona u balan qaaday in wax waliba oo baahidoon ah uu dabooli doono inta karankisa ah.ayna ciyaari doonaa ciyaaro saxiibtinimo ay la ciyaari doonaan qaar ka mid ah kooxaha heerarka kal duwan ee Soomaaliya

Qaar ka mid ah waalindiinta caruurta ayaa soo dhaweyay in tababar isboori la siiyo caruurtooda inta ay ku mashquulilahaayeen dagaalada iyo daroogooyinka kala duwan ay isticmaalaan dhalinyarada da’dooda oo kale ah

Ugu dambeyn dhawan ayaa la filayaa in uu bilowdo horiyaalada kala duwan ee Soomaaliya iyadoo xariirka Soomaliyeed ee kubada cagta ay kooxaha hoos yimaada ugu baaqay in ay sameeyaan koox juunyar ah oo hoos takta kooxaha waweyn isla markaana badal u noqon kara ciyaartooyda hada ciyaarta iyadoo kooxda Jamuuriya ay noqotay kooxdii ugu horeeysay ee ka jawabta baaqa ka soo yeeray xariirka kubada cagta Soomaliyeed.

WQ Caydiid C/raxmaan Aadan

ceydiidmilan@hotmail.com

MSF oo sheegtay in ay xirayso xarumo gar gaar oo ku yaala gobolka Galgaduude ee bartalamaha Soomaaliya
Nairobi-hobyonet)Hay’adda gar gaarka caalamiga ah ee dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn Medecins Sans Frontieres (MSF) ayaa ku dhawaaqday maanta in ay joojinayso barnaamijyada daryeelka caafimaadka ah oo ay ka wado Dhusamareeb iyo Xiin-dheere ee gobolada dhexe, madaama xaalada amaan ee gobahaasi ay sii xumaaneyso.

MSF waxa ay sheegtay in ay qaadatay go’aan adag oo lagu xirayo barnamiyadii caafimaad ee ay halkasi ka waday, kuwaas oo si wanaagsan u soo shaqeynayay tan 2006-dii iyo 2008-dii.

Sidoo kale MSF waxa ay tilmaamtay in dib u qaabeen lagu samayndoono taageerada ay siiyaan Isbitalka Istarlin ee Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

“Xaalada amaan ee goobahan oo sii xumaaneysa ayaan u ogolaanaynin MSF in sidii caadiga ahayd uga howlgasho ayadoo shaqaalaheeda qubarada ah ay caawinayaan kuwa goobaha ka howlgalaya” sidaasi waxaa sheegay Brice de le Vingne oo ah agaasimaha howlgalka Soomaaliya ee MSF.

Laakiin Mr Vingne ayaa xusay in shaqaalahooda sida hagaagsan u tababaran ay sii wadi doonaan adeegyada caafimaad ee asaasiga ee loo qabanayo dadka ku nool goobahaasi.

Sanadadii ugu danbeeyay Medecins Sans Frontieres (MSF) waxa sameynaysay tababaro muhim ah oo ay u fidinaysay shaqaalah ka howlgala isbitalka Istarlin ee magaalada Guruceeyl iyadoo aysan meesha ka marnayn bixinta adeegyo caafimaad oo loo sameeynayo meel fog ayadoo la wada xiriirayo.

Sida laga soo xigtay MSF shaqaalaha caalamiga ah ee hay’adda ayaa talooyin caafimaad siin doona shaqalaha isbitalka Istarlin ee magaalada Guruceyl si ay u filiyaan howlaha caafimaad ee loo baahanyahay.

www.hobyonet.com

Dastuurka dad wareeriska ah iyo danaha ka dambeeya..! (Qalinkii Maxamed Xaaji)‏
Fikrado-hobyonet)CARAWEELO ama  ARAWEELO sida la sheego waxay la maqan tahay godobtii ragga oo ay DHUFAANI jirtey waloow ay ku baxday gacanta ninkii ay is tiri ”WAA DOQONE ISKA DAA” kaasoo ahaa ‘ODAY BIIQE’ lkn halkii ay howlmaalmeedkeeda ku qabsan jirtey oo lagu sheego meel ka mid ah buurta DAALO ayay ilaa maantadan dadku booqdaan iyadoo ay RAGU dhagxiyaan meeshii balse Waxaa CAJIIB ah in ay DUMARKU ubax dhigaan.

Su’aasha ay sheekadani madaxaaga markiiba gelinayso ee aan usoo ergaystey ayaa ah raga laba garayoo islaantani waa tii xaniinya bixin jirtee maxay dumarku uga dan leeyihiin inay ubax dhigaan..?

Ma raga unbay dhibtay baa..? Haa dabcan laakiin su’aasha kale ee kasoo dhex baxaysaa waxay noqonaysaa in raga la dhufaano dumarka maxay tahay danta ugu jirta..?    Jawaabtu way iska cadahay sidii cadceed duhur laakiin intaa u dhaafi maayoo dadkaan u daynayaa.

Dulucda hordhacaygan waxaan uga dan leeyahay wax layiri dastuur balse marka aad qaabkiisa eegtid aad moodid waraaqihii ay NGO’S-ku inta qortaan dhihi jireen waxaas iyo waxaasaanu qabanaa ee deeto loo saxeexi jirey.

Laakiin laba garay beesha faragelinta caalamka iyo iyo inta sandareertada eeganaysee qofka caadiga ah ee Soomaaliga ihi maxay tahay danta kasoo geleysa inuu u sacbiyo dastuur dalkiisii lagu aasayo..?

Ma ninka dastuurka wadaan isku hayb nahay baa..? Haa laakiin maxaa kaaga soo aruuraya marka uu adiga iyo booskii aad deganeydba dad qalaad ka iibiyo..?

Jawaabta idinkaan idinka dhowrayaa oo intaa u dhaafi mayo..!!!??

DASTUUR INTA AAN LAGAARIN MAXAA LOO BAAHAN YAHAY.?

1- Marka laga hadlo dastuur horta waa kii ALLE laakiin dadkii meel degani waxay u baahan yihiin heshiisyo iyo hab nololeedyo ay isku raacsan yihiin (Tusaale ahaan waqtiga la shaqeeynayo shiftigiiba) iyadoon laga gudbeeynin xuduudda shareecada islaamka oo iyadu aasaas u ah dhaqanka Soomaaliyeed.

2- Dastuur wuxuu u baahan yahay dal madax banaan, lehna xuduudo sugan oo ay dowlad qur ihi ka arimiso iyo ciidan ilaaliya, hadaba marka aad intaa oo dhan eegto waxaad ogaanaysaaa inaysan micna wayn sameeyneynin in dadka lagu yiraahdo KMG baa laga baxayaa aan gurigeediiba la goglin.

3- Dastuur wuxuu u baahan yahay inay qoraan dad aqoon u leh diinta islaamka, taariikhda dhaqan dhaqaale ee dalka iyo dadka ay wax u diyaarinayaan, xiriirada caalamiga ah iyo sida uu caalamku u wada shaqeeyo,  inay yihiin dad la isku hallayn karo mas’uuliyadooda iyo inay yihiin dad wadaniyiin ah oo aragti qaran leh.

4- Dastuur wuxuu u baahan yahay in marka la qoro qof qof loogu qaybiyo dhamaan dadka ku dhaqan dalkaas oo deeto inta aqriyaan kadib ’HAA’ iyo ’MAYA’ qalli ah kaga jawaabaya taasoo ku imanaysa dookhooda iyo sida ay danta caamka ah uga dhex arkaan.

KUMEEL GAARKA HALAGA GUDBO SI DALKA LOO GADO..!!

Waxa afka siyaasiyiintu ku bas beelay KMG baa laga baxayaa iyadoo aysan jirin maanta dowlad Soomaaliyeed oo dalka maamusha ama xitaa ugu yaraan hadalkeeda laga dhegeysto meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Kumeel gaar baa laga baxayaa oo qur ihi waxay u egtahay sidii qof cudur halisa qaba oo inta isbitaal tegey lagu yiri ’’Waad raysatay’’ ee reerkaaga dhoqo waayo dal kala qoqoban oo aan lahayn wax astaan dowladeed ah oo ay talada dalku ka go’do inuu dowlad macmal ah oo KUMEEL GAAR  ah lahaado iyo inuu mid RIGLI ah oo isla gacan ku rimiskii ah yeesho  wax farqi ihi gebi ahaanba uma dhexeeyaan.

Hal mid baa iisoo baxday markii aan hoos u dhugtey sababta ay dhegeheenna ugu soo noqnoqotay ’KUMEEL GAARKA HALAGA BOXO’ waana inay jiraan qaybo 3-aad oo ka dambeeya dastuurkan qoraalkiisa kuwaasoo ujeedkoodu yahay inay helaan ashkhaas mansab iyo maal doon ah (Tabcanayaal xaaraan ku naax ah) oo ay wax kasta ka saxeexdaan kadib marka uu dalku galo hab ’RIGLI’ ah laakiin runtii kaba sii liita sida uu maanta yahay.

YAY DANI UGU JIRTAA IN KUMEEL GAARKA LAGA BOXO..??

Marka aad isha qac ku siiso qaabka loo diyaariyay iyo duruufaha lagu diyaariyay dastuurka qabyada ah dadka qaar baa u gartay inaan horta duul dani ugu jirtaba aysan Soomaali dani ugu jirin iyagoo ku doodaya in aragtida ah in si dhaqso ah lagu ansixiyo ay lafteedu muujineyso jiritaanka wejig sogordahan oo wax ka hagaya daaha gadaashiisa (Dalal ajnabi ah).

Sidoo kale siyaasiyiinta ugu sareeysa dowladda qaar ayaa dhowr jeer si cad u yiri ’’MARNA MA AQBALAYNO IN DASTUURKA LA DIIDO’’ taasoo muujineysa in ama siyaasiyiinta laftoodu aysan fahamsaneyn in dastuur ansixintiis aysan ahayn wax dadka lagu khasbo iyo in iyagoo damac kale ilaalinaya ay doonayaan inay dadka qoor qabad ku cabsiiyaan waxaan dani ugu jirin.

Siyaasiyiin kale ayaa ku dooday inaysan dadku aqriyin dastuurka waana runoo dadku maba aqrinin waayo dowladu maba sameeynin qaabkii ay dadku ku aqrin lahaayeen inta isku daydayna idaacadaha ayay ka maqleen taasoo dhadhanka dastuurka kusoo koobaysa ’’DASTUURKII IDAACADAHA’’.

Siyaasiyiin kale ayaa si hinraag ka muuqdo u leh dalku MAXMIYAD buu gelayaa hadii aan dastuurka la ansixin waa yaabe halkee ayay abid ka dhacday dal MAXMIYAD loo geliyay dastuur ay dadkiisu diideen ama dibad baxa y dhigeen….Goormaase sharciyadaa lasoo rogey..?

DHAQAN IYO SIYAASAD MAXAA ISKU DHEEHAY..?

Dalka Soomaaliya oo lumiyay ku dhowaad dhamaan qiyamkiisii dhaqan kadib markii si wareer kujiro la iskugu walaaqay siyaasadii iyo dhaqankii ayaad moodaa inay mudadii ugu dambeysey mashruuc iska noqotay gaar ahaan wax aan u bixiyay ’’SULDAAN SIYAASI’’.

Waxaa dhowaanahanba soo baxayay dood ka taagneyd ’’ODAY DHAQAMEEDYADA’’ la yiri waxay soo xulayaan ergada ansixinaysa dastuurka qabyada ah oo lagu xamanayo inaysan runtii u badnayn oday dhaqameedyo sax ah balse ay yihiin niman ku ciyaara muusiga ay garaacaan siyaasiyiinta soo qortay iyaga.

Soomaalidu waxay tiraahdaa ’’Inta aan dhibqabe hadlin baa dheef qabe qayliyaaye’’ mid ka mid ah ragii la lahaa waa kuwa dabada ka riixaya qorshahan la fahmi la’yahay ee Road Map-ka Mahiga oo ah Faroole ayaa farta ugu yeeray oday dhaqameedyadii uu isagu soo dirsaday.

Taasoo ah mid ka marqaati kacday inaysan jirin dhaqan Soomaaliyeed oo siyaasiyiinta ka madax banaan taasoo nasiib darro ku ah dal ay dadkiisii colaadi kala daadisay oo u baahan dad fogaan arag ah oo ku fikira maskax fiyoow.

Waxay arintani igu dhalisay inaan ku fikiro in baahida loo qabo in dib u dhis lagu sameeyo habdhiskii ama haykalkii dhaqanka Soomaaliyeed uu maanta ka horeeyo kana muhiimsan yahay in siyaasadda lagu heshiiyo waayo dhaqan la’aani waa dhadhan la’aan, waa dhogor la’aan iyo hayb (Identity) la’aan.

Isku soo wada duuboo inta aan soo sheegay oo idil iyo in kaloo badanoo ALLE uun ogyahay waxay muujinayaan in waxyaabahan dalka lagu wareerinayo oo dhami ay yihiin weeysa-qaadka salaad aan maalinteedii la gaarin kuwaasoo kala ah:

1- Dastuur u sameeynta Dal aan cid maamushaa jirin oo ay dadkiisuna danta guud ka il duufsan yihiin iyagoo xeerinaya xarko ay niman danaystyaal ihi ku xirxirteen.

2- Wada xaajoodyada lagu baaqay ee ay DKMG ah ihi la geleyso maamulka Somaliland oo sida muuqda iskii u istaagey kadib markii la foowdeeyey (Waxaa Somaliland lala hadli karaa oo qura marka la helo nidaam kulmiya dhamaan koofurta).

3- In laga hadlo heshiisyo waawayn sida kuwa badda lagu iibin lahaa ee  Alle baabi’iyay.

Hadaba gunaanadkii Beesha Caalamka (Gumeystayaashii hore) iyo kooxaha diinta ku been abuuranaya oo noo jilaya (Caraweelo) iyo shacabkeena oo u kala qaybsan kuwii waxgaradka ahaa oo taladii loo diiday (Yacni la dhufaanay) iyo kuwii kale oo taagan sidii gabdhihii u sacbiyay Caraweeladii raga dhufaantay ayuu xalku taagan yahay ”Waa inaan helnaa Mr ’X’ oo noo jili doona ’ODAY BIIQE’ si dalka loo badbaadsho oo Caraweelo looga takhaluso.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Hansen: ‘Kompany waa xidigii ugu waynaa ee ay abid soo iibsato Man City’ iyo Man Utd oo weerar 3 geesood ah ku qaaday Borussia Dortmund (warar kale oo sports)
Matteo oo qorsheeynaya inuu qamaaro..!!!?

Macalinka kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa isku lamaanin doona labada hujuum ee Didier Drogba iyo Fernando Torres oo noqon doona cududa weerar ee ay Blues la shirtegi doonto dhamaadka koobka horyaallada Yurub ee ay Munich la balansan yihiin.

Macalinkan Talyaaniga u dhashay ayaa labadan nin 21 daqiiqadood wada ciyaarsiiyay kulankii ay todobaad-dhamaadkii ka adkaadeed kooxda laabatay ee Blackburn Rovers iyadoo laga yaabo inuu sidoo kale yeelo sabtiga soo aadan.

5 jeer ayay labadan laacib si rasmi ah isula ciyaareen balse maadaama aysan wax gool ah dhalinin 5-taa jeer iyo 19-kii jeer ee kale ee bedel ahaanta la isula ciyaarsiiyay waxay muujineysaa inaysan isku habooneeyn.

Si kastabase Chelsea oo ay laacibiin badani kaga maqan yihiin dhaawac iyo ganaax ayaa khasab kaga dhigi karta inuu Di Mateo markale dib ugu laabto miiska kaartada.

‘’Waxaan isku deyey waxyaabo badan si aan u eego sida arintan loo turxaan bixin karo’’ ayuu Di Mateo u sheegay hilinka ay kooxdiisu leedahay ee Chelsea TV.

Man Utd oo weerar 3 geesood ah ku qaaday Borussia Dortmund

Isniin (Dortmund) 14-05-2012 Macalinka Man Utd Sir Alex Ferguson ayaa buuga xusuus qorka kusoo qortay 3 xidig oo ka tirsan kooxda Borusia Dortmund.

Wargayska The Dailu Mail ayaa daabacay inuu Fergie aad u jecelyahay saxeexa laacibka khadka dhexe ee weerar-xigeenka ah ka ciyaara ee Shinji Kagawa balse intaa kuma ekaan doonee wuxuu sidoo kale doonayaa weeraryahanka Polish-ka Robert Lewandowski, oo 3-leey ka ansixiyay dhamaadkii koobka Jarmanka oo uu Ferguson laftiisu sheeda ka daawanayay todobaadkii hore iyo sidoo kale daafaca Mats Hummels.

Wada xaajoodkii qandaraaska ay kooxda Borusia ku doonaysay inay laacibka la meel dhigto ayaa fashil ku dhamaaday iyadoo uu wakiilka laacibku yiri ‘’Dalabka Dortmund maaha mid nagu filan, waxaana idiin xaqiijin karaa inay Man Utd laacibka xiisayneyso’’.

Waxaa dhanka kale la fahamsan yahay in aabaha daafaca Hummels oo lagu magacaabo Hermann oo sidoo kale ah wakiilka wiilkiisu uu wada hadal kula jiro kooxda Manchester.

Evra: ‘’Ferguson waa nin fahmo u leh suuqa kala iibsiga’’

Isniin (Manchester) 14-05-2012 Daafaca dadabka bidix ee kooxda Man Utd Patrice Evra ayay ka dhaadhacsantahay inuu macalin Ferguso uu kooxda kusoo biirin doono xidigaha ay tabeysey xilli-ciyaareedkan oo uu sanka u maray horyaalka Ingiriiska oo ay mudo sacabeysaneysey.

Evra ayaa sheegay inaysan muhim cida imanaysaa laakiin uu isaga ahaan hoosta ka xariiqayo sida uu u hubo inaysan howsha ka hoos bixi doonin tababare Ferguson oo lagu yaqaanno isha macaan ee uu u leeyahay suuqa kala iibsiga.

Evra dib u eegay xilli-ciyaareedkii shalay dhamaaday. ‘’ Ma waalni, sidaa darted ma lihi sanad wanaagsan baa nasoo maray’’ ayuu yiri Evra oo rajeeyey inuu laacib kastaahi uu xilliga soo aadan beteriyadiisa kaarikaysan doono.

Ibrahimovic oo adkeeyey inuusan kujirin safka tegey.!

Isniin (Milano) 14-05-2012 Weeraryahanka reer Sweden ee kooxda AC Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa hubaal ka dhigay inuusan qorsheeyneynin inuu ku biro inta badan qawaaradii kooxda oo shalay kooxda ku macasalaameeyey kulan aad u qiira badnaa oo ka dhacay gegada Sansiro.

Kooxda Rossineri ayaa sidaa darted lagu wadaa inay gasho kacaan balaaran oo lagu bedelayo ku dhowaad safka 1-aad ee kooxda si laacibiin loogu illiyo (geliyo) kabihii ay ka tageen Mark van Bommel, Rino Gattuso, Pippo Inzaghi iyo Clarence Seedorf oo dhiig cusub loogu shubo kooxda.

‘’May, ma tegi doono’’ ayuu Ibra taageerayaasha ugu laab qaboojiyay xalaytoole.

Si kastaba kabtanka kooxda Massimo Ambrosini ayaa ka mid ah raga baaqi kusii ahaan doona kooxda kadib markii sanad kale loogu daray qandaraaskiisa taasoo ahayd sidoo kale dookh u furna Nesta iyo Gattuso oo go’aansatey inay Milan kala waydaartaan inta ay goori gaar tahay.

Chelsea iyo PSG oo heegan kujira iyo Hulk oo u gacan haatinaya.!

Isniin (Lisbon) 14-05-2012 Weeraryahanka kooxda FC Porto Hulk ayaa ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay dhegeysiga dalabyada ka imanaya kooxaha saxeexiisa isku garbinaya ee qaarada Yurub.

‘’Diyaar baan u ahay in la I iibiyo’’ ayay ilo ku dhowdhowi laacibkan kaoso koobiyeen iyadoo ay kooxaha Chelsea iyo PSG qaybta sare ka hogaaminayaan safka kooxaha doonaya xidigan xooga wayn ee reer Brazil.

‘’Wax kasta way furan yihiin, wixii dhici lahaana way dhacayaan. Hadii ay FC Porto go’aansato inay i gado, diyaar’’ ayuu yiri isagoo ku daray ‘’ Hadii aysan sidaa noqonna waxaan si kal iyo laab ah usii wadan doonaa ciyaarahayga’’.

Hansen: ‘Kompany waa xidigii ugu waynaa ee ay abid soo iibsato Man City’

Isniin (London) 14-05-2012 Halyaygii hore ee kooxda Liverpool Alan Hansen ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay saameynta daafaca Vincent Kompany uu ku yeeshay qadiyada ay Man City ku qaaday horyaalka Ingiriiska.

Hansen ayaa ku qoray wargayska The Telegraph ‘’Laacib Kompany oo 6 milyan oo gini ugu kacay kooxda City wuxuu muujiyay sababta uu u yahay daaficii ugu wanaagsanaa ee abid soo mara tan iyo waayihii English Premier (EPL waa magac baxay 1992-kii).

Hansen ayaa ku doodaya inay khalad ahayd inay laacibkan ka ilduufaan jamciyaadka ay leeyihiin dadka ciyaaraha wax ka qora oo aan abaalmarinadoodii laacibkan ku xusin.

Hansen ayaa isku dayay inuu woxoogaa ka yiraahdo tayooyinka uu leeyahay Kompany oo sida uu qabo qayrul caadi ah ‘’Laacib waxaa looga baahan yahay tilaabo, dareen boos qaadasho, inuu kubada sare ku xoogan yahay, tan hoosana xukumo waana waaxo uu ku wada wanaagsan yahay Kompany’’ ayuu ku qiil sameeystay.

‘’Hadi aan maantadan ciyaari lahaa oo la I dhihii lahaa soo xulo qof daafaca jaal kugula noqda shaki la’aan isagaan sheegan lahaa’’ ayuu Hansen oo u hambalyeey xidiga iyo kooxdiisa Man City oo hanatay horyaalka Ingiriiska.

Wararkan iyo kuwo kale kala soco GOOLFM.NET http://www.goolfm.net/

Waxaa isku duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Boosto-koronto;-maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Francois Hollande oo si rasmi ah u qabtey talada dalka Fransiiska ka dib xafladii lagu dhaarinayey oo Paris ka dhacdey
Paris-hobyonet) Iyadoo dhowaan madaxweynihii dalka France nicolas sarkozi looga guuleystey xilka madaxweyne nimo doorashadii dhacday ayaa waxaa maanta xilka madaxweyne ee dalka qaaradda yurub ku yaalla ee France loo dhaariyey ninka ku guuleystey jagadaasi ee Francois Hollande  oo ku guuleeystay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacaday dalkaasi isbuucyo ka hor.

Francois Hollande ayaa wacad ku maray in uu wax ka qabandoono dhibaatooyin dhaqaale ee ka jira dalkaaasi iyo qaarada Yurub isagoo xusay in dowladda Faransiiska ay tahay dowladda weyn oo waaya aragnimo dheeraad ah u leh ka soo kabashada mashaakiilaadka adag ee uu wajahayo dalkaasi.

Waa ninkii ugu horeeyay ee ka socda xisbiga hantiwadaaga ee madaxweyne ka noqdo aqalka Elysee ee looga taliyo dalka Faransiiska mudo 17-sano ah ka dib.

Francois Hollande ayaa la filayaa in uu soo magacaabo Ra’isul wasaraha cusub ee dalkaasi isgoo sidoo kale u safri doono Magaalada Barlin ee Caasimada dalka Germelka halkaasi oo uu kula kulmi doono hogaamiyha dalkaasi ee Ankele Markal.

Madaxweyanah Cusub ee dalka Faransiiska ayaa talada sii heyn 5-sano ee soo socota, waxaana guushaasi uu gaaray si weyn usoo dghoweeyey wadamo badan oo caalamka iyo siyaasiyiin yurub iyo dalal kale caan ka ah.

www.hobyonet.com

Golaha Midnimada Soomaaliyeed oo looga dhawaaqay Sweden
Stockholm-hobyonet)Shir socday laba maalmood oo ay kasoo qeyb galeen waxgaradka Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka kala ah Soomaaliya, Kenya, Dubai, UK, Finland, Germany, Mareyklanka Norway, Australia iyo dalal kaloo badan ayaa ka dhacay dalka Sweden.

Shirkan ayaa ahaa mid si weyn loogu soo bandhigay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, waxaana halkaasi doodo ku galay wakiiladii ka kala socday dhamaan dalalkii laga wada yimid.

Golahan dhismahiisa ayaa waxaa ay soo socotay mudo sanad ah qaban qaabadiisa iyadoo maalintii ugu dambeysayna lagu ansixiyay golaha wakiiladda rasmiga ah ee uu yeelanayo, waxaa sidoo kale halkaasi lagu dhawaaqay madaxda sare ee ururka oo lookala magacaabay

1: Enj: Cumar Maxamed Maxamuud Aftooje – Gudoomiyaha Golaha

2: Dr. Sakariye Maxamuud Xaaji Cqabdi

Golahan ayaa si weyn isugu raacay ansixinta iyadoo Goluhuna ka koobnaan doono 114 xubnood oo ku kala nool dunida dacaladeeda, Dhanka kale warmurtiyeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in goluhu uu ka shaqeyn doono isukeenida iyo mideynta ururada Siyaasadeed ee haatan jira iyadoo isla markaasna laga duulayo hal mowqif.

Sidoo kale Golahan ayaa lagu sheegay in ay dhawaan shirweyne labaad ku qabsan doonaan gudaha Soomaaliya iyadoo aanan la cayimin goobta sida rasmiga ah ee loogu qaban doono shirkaasi balse waxaa ay sheegeen in ururkoodu uu noqon doono kii ugu horeeyay ee dalka la yimaada siyaasad hufan oo lagu joojinayo dhiiga Soomaalida ayeey sheegeen.

Axmed Nuur

Stockholm