|
Sports News. Sabti,
20 July, 2007 |
|
Madaxa
kooxda ROMA, Luciano Spalletti, ayaa ka codsaday taageerayaasha
kooxdaasi in aysan ka careysiin
ciyaar yahanka kooxda kaga ciyaara difaac Cristian Chivu, kaasoo la
sheegay in uu dhawaan wadahadal la galay kooxda Inter, oo u ballan
qaaday in ay ku qaadan doonto lacag malaayiin doolar ah, halka kooxaha
Real Madrid iyo Barcelona ay iyada si gooni ah u doonayaan ciyaar
yahankaan. |
|
Laacibka
difaaca kaga ciyaara xulka kubadda cagta ee dalka Argentina iyo kooxda
Mansherter United, Gabriel Heinze, ayaa la filayaa in uu ku qanciyo
tababaraha kooxda Man. United in uu aqbalo heshiiska ku kacya
£7m ee uu ugu
dhaqaaqayo kooxda Liverpool, inkastoo Ferguson uu si weyn uga soo
horjeedo in ciyaar yahankaan laga iibiyo koox Man. United uu xifaltan
kala dhaxeeyo. |
|
Ciyaar
yahan Alessio Tacchinardi, ayaa soo afjaray heshiiskii uu kaga mid
ahaa ciyaar yahanada kooxda kubadda
cagta ee Juventus, kadib m arkii uu 11 sano la joogay kooxda, isagoo
hadda u madax bannaan in uu dhaqaaqo goobtuu doono,
Waxaana war ka soo baxay kooxda lagu ammaanay laacibkaan. |
|
Guddoomiyaha
xiriirka kubadda cagta ee dalka Talyaaniga, Giancarlo Abete,
ayaa ku adkeystay in ay muhiim tahay in
xaddigga dalkaasi Francesco Totti lagu sharfo caiyaaraha kubadda cagta
ee dalkaasi, iyadoo ay jirto in ciyaar yahanka oo goor hore
ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah. |
|
Kooxda
kubadda cagta dalka Ingiriiska ee Middlesbrough, ayaa oggolaatay in ay
ku soo iibsato lacag dhan £2.5m
ciyaar yahanka difaaca kaga ciyaara kooxda Charlaton Luke
Young, oo muddo dheer la joogay kooxdiisa
|
|
Sports News. Arbacodo, 18 July, 2007 |
|
Kabtanka
kooxda kubadda cagta ee Roma Francesco Totti, ayaa si
kulul u weerary xariirka kubadda cagta ee dalka Talyaaniga, wuxuuna ku
hanjabay in uu ka tagi doono ururka ciyaaryahanada ee dalkaasi. |
|
Ciyaar
yahanka dhinaca weerarka kaga ciyaara xulka dalka Ingiriiska iyo
kooxda Manchester Untied, Wayne
Rooney, ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in ciyaaryahan
Carlos Teves uu ku soo biiro kooxda Manchester united, xilli kooxdii
uu ciyaari jiray Teves ee West Ham ay sheegtay in aan wax heshiis ah
laga gaarin ciyaaryahanka. |
|
Ciyaar
yahanka caanka ah ee Julio Cruz, ayaa u dhaliyey goolkii ugu horreeyey
ee xilli ciyaarkeedan ay dhaliso kooxda Inter, kadib markii 3-0 ay
kaga badisay xulka dalka Shiinaha ciyaar ka dhacday magaalada Bayjiin. |
|
Mid
ka mid ah tiirarka muhiimka u ah kooxda kubadda cagta ee Chelsea,
Arjen Robben, ayaa markii ugu horreysay qirtay in wadahadalka
qandaraaskiisa ee uu kula jooga kooxda uusan u socon si wanaagsan,
ayna suur gala tahay in uu kooxda ka tago. |
|
Ludovic
Giuly, oo u ciyaar jiray kooxda Barcelona, ayaa waxa uu xilli
ciyaareedka cusub ku soo biiri doono
kooxda kubadda cagta Roma ee dalka Talyaaniga, isagoo xalay maray
baaritaan caafimaad oo uu kaga mid noqonayo kooxda Roma. |
|
Tabaraha
cusub ee kooxda Man, City. Sven-Goran Eriksson, ayaa waxa uu si xor
ah ulla soo wareegay ciyaar yahanka
qadka dhexe ee u dhashay dalka Brazilia Geovanni, oo mudda hal sano ah
ka ciyaarayey koox ka dhisan dalkiisa. |
|
Sports News. Talaado, 17 July, 2007 |
|
Laacibka
dalka Ingiriiska ee dhawaanu wareegay kooxda dalka Mareykanka ka
dhisan ee Los Angeles Galaxy, David Beckham,
ayaa shaki laga muujiyey in uu ciyaaro ciyaarta saaxiibtinimo ee ay
maalinta sabatida ah yeelanayaan kooxdiisa cusub iyo kooxda Chelsea. |
|
Ciyaar
yahanka kooxda kubadda cagta ee Chelsea, ayaa ka nixiyey Chelsea kadib
markii uu
qirtay in uu ka tagayo Naadiga haddii aan haddii aan loola dhaqmin si
wanaagsan.waxaana si weynu daneynaaya kooxaha AC.Milan iyo Barca |
|
Gool-hayaha
kooxda Livorno Marco Amelia, ayaa rajadii uu ka qabay in uu ku biiro
kooxda kubadda cagta ee Lazio ay sii
yaraaneysaa kadib markii Lazio ay billawday in ay baadi doonto
gool-hayaha kooxda River Plate. Juan Pablo Carrizo. wuxuuna ka niyad
jabay in uu ka mid noqdo ciyaartoyada kooxa Lasio
|
|
Booliska
dalka Ingiriiska, ayaa baaritaano dhinaca musuq maasuqa ah ku
billaabay 3 kooxood oo ka dhisay dalkaasi.Kooxaha
Newscastle, Portsmouth iyo Rangers, ayaa waxaa xafiisyadooda galay
ciidamo ka tirsan booliska si loo baaro tuhumo la xiriiro
in ay ku lug leeyihiin arrimo musuqmaasuq oo dhina sportiga ah. |
|
Jahwareer xoogan ayaa soo food saaray
mustaqbala weerar yahanka kooxda kubadda cagta
Liverpool iyo xulka dalka Ingiriiska Peter Croach, kadib markii ay
korartay
cabsida laga qabo in tababaraha kooxdaasi Rafael
Benitez uu soo iibsaday weerar yahano afka hore ah. |
|
Sports News. Isniin, 16 July, 2007 |
|
Xulka
kubadda cagta ee dalka Baraasiil, ayaa difaacatay koobka
America, kadib markii ay 3-0 ku garaacday
kooxdii loo saadaalinayey hanashada koobka ee Argentina, ciyaar ka
dhacay dalka Venezuela. |
|
Agaasimaha
kooxda kubadda cagta ee Man United David Gill, ayaa sheegay in
isku daygoodii ay kula soo wareegi
lahaayeen ciyaaryahanka Carlos Teves ay dhibaato soo foodsaartay.
waxaan wakhtiga uu ku sii yaraanayaa kooxda. |
|
Ciyaar
yahanka qadka dhexa uga ciyaara kooxda Manchester United Park Ji Sung,
ayaa lagu wadaa in uu garoomada ka maqnaado ilaa
bisha January dhaawac ka soo garay jilibka awgii, taasoo dhibaato ay
ka muujinayaa taageerayaasha kooxda iyo ciyaartoyda |
|
Tababaraha
kooxda The Blues ee Chelsea, Jose Mourinho, ayaa uga digay
laacibka dalka Jarmalka u dhashay Mecheal
Ballack in uusan ka sii mid ahaan doonin ciyaaryahanada uu sida weyn
ugu xisaabtamo haddii uusan si adag u shaqeyn.
isagoo ku tilmaamay ciyaar yahan wanaagsan.
|
|
Gool-hayihii
hore ee kooxda kubadda cagta ee Liverpool Jerzy Dudek, ayaa lagu
wadaa in uu heshiis la saxiixdo kooxda
kubadda cagta ee Real Madrid, oo uu ugu wareego si xor ah.
isagoo ku celceliyey in uu jeclaan lahaa kooxdiisa. |
|
Sports News.
Axad, 15 July, 2007 |
|
Milkiilaha
kooxda kubadda cagta ee Chelsea, Roman Abramovich, ayaa
la filayaa
in uu wadahadal la yeeshay laacibka u dhashay wadanka Ukraine Andriy
Shevchenki todobaadka soo socdo, ka
hor inta uusan go’aansan in uu dib
ugu laabto kooxdii uu u ciyaari jiray ee AC Milan.
|
|
Kooxda
Manchester City, ayaa waxa ay heshiis la soo saxiixatay laacibka 20
jirka ah ee u dhashay wadanka
Switzerland Gelson Fernandes, oo ay kaga soo iibsatay kooxda FC Sion
lacag aan la shaacin inta ay dhan tahay. |
|
Tababaraha
kooxda kubadda cagta ee Chelsea Jose Mourinho iyo milkiilaha
kooxdaasi Roman Abramovich, ayaa dhammeeyey khilaafkoodii mudada dheer
soo jiitamyey, kadib markii ay kullan ku yeesheen garoonka kooxda ee
Stamford Bridge horraantii bishaan |
|
Sports News.
Sabti, 14 July, 2007 |
|
xulka
kubadda dalka Ciraaq, oo ka qayb
galaya tartanka kubadda cagta ee
Qaaradda Asia, ayaa waxa ay 3-1 kaga
adkaadeen kooxdii ka socotay wadanka
Australia, taasoo keentay in loo
saadilayoin ay Ciraaqiyiinta ay ku
guuleysan karaan kuubka Asia. |
|
Laacibka
u dhashay wadanka Spain, una ciyaara kooxda kubadda cagta
Arsenal
ee dalka Ingiriska Cesco Fabregas, ayaa
shaaca ka qaaday in uusan u dhaqaaqi doonin kooxda Real
Madrid, wuxuuna ballan qaaday in uu mustaqbalkiisa ku
dhameysan doono kooxda Arsenal. |
|
Ciyaartooyda ka wareegay
kooxahoodii ee xilli ciyaareedka soo
socdo u ciyaari doono kooxa kale,
ayaa waxa qaarkood lagu iibsaday
lacag aad u farab badan,
iyadoo ciyaaryahanadaas lag xusi
karo Thierry Hendry. |
|
Sports News.
Jimce, 13 July, 2007 |
|
Ciyaar yahanka
kooxda kubadda cagta Ajax Ryan Babel, ayaa waxa
uu kooxda Liverpool manta la saxiixan doonaa heshiis 5
sano ah, kadib markii labada koox ay ku heshiisiyeen in ciyaryahanka
lagula soo wareego lacag gaareyso £11.5m. july 13, 2007
|
|
Kooxda kubadda
cagta ee Manchester United, ayaa
iska fogeysay wararka sheegaya in ciyaar
yahanka Carlos Teves la filayo in maalinta Talaadada ah uu maro
baaritaan caafimaad si uu uga mid noqdo ciyaartooyda
naadigaasi.july 13,
2007
|
|
Sports News. Khamiis, 12 July,
2007 |
|
Xulalka Argentina iyo Mexico, ayaa u gudbay ciyaaraha
afarta ee tartanka koobka Laatiin Ameerica. july 12
2007
|
|
Owen
oo iska fogeeyey in uu ka tagi doono kooxda uu muddada la joogay ee
Newcastle United july 12
2007
|
|
Xulka
kubadda cagta ee dalka Argentina, ayaa 3 iyo 0 ku garaacay xulka
dalka Mexico, iyadoo ay Argentina u gudubtay caiyaarta Finalka oo ay
ola yeelan doonto wadanka
Brasile.
july 12 2007
|
|
Laacibkii hore ee kubadda cagta adduunka ee Pele, ayaa
sheegay in uu rumeysan yahay in David Beckhem uu horumarin karo
ciyaaraha, balse loo baahan yahay in uu lahaado diyaargarow
wanaagsan.july 12
2007
|
| |
| |