Dugisga H/dhexe ee Hantiwadaag ayaa
waxaa laga hirgeliyay barnaamij lagu quudinayo ardeyda
Dugsigaasi oo xaruntiisu ku taal Magaalada Muqdisho. iyadoo
Barnaamijkaasina ay fulineyso Hey'adaha WFP .
Hobyonet.
Muqdisho
Talaado, Oct.
30,
2007
Dugsiga ayaa waxaa laga quudiyaa ama
lagu caawiyay in raashin karsan la siiyo iyadoo la tixraacayo
qorshe loo dejiyay ardey gaareysa 702 ardey kuwaasi oo ka kooban
Wiilal iyo gabdho.


Dugsiga
Hantiwadag ayaa waxaa ugu deeqay
raashinkaan Barnaamijka Cuntada aduunka
ee WFP, si ardeyda suurta gal ugu
noqoto in ay sii wataan howlahooda
waxbarashada.
Dugisga oo la dhigto labada gelin ee Subax iyo Galab ayaa waxaa
ardeyda loo qeybiyaa raashin bisil , waxaana Subaxdii ay ku
quraacdaan Mushaari halka xiliga duhurkiina ay Qado ahaan u
cunaan Bariis.
Hey’addaha WFP, Danyar, iyo Maamulka dugsiga ayaa waxey
barnaamijkaan qorshihiisa ka yeesheen wada hadal , si wax loogu
qabto ardeyda wax ka barta Dusiga Hantiwadaag, oo ay u badan
yihiin kuwo danyar ah isla markaana aan iska bixin karan
lacagaha faraha badan ee lagu dhigto dugsiyada Magaalada
Muqdisho.



Hey’adda WFP waxey ka wadaa dugsiga Hantiwadaag dhismo ay ku
dhiseyso kushiin casri ah iyo labo qol oo aad u waa weyn , si ay
wax ugu cunaan ardeyda ka kooban Wiilasha iyo gabdhaha.



Dugsiga waxaa hirgelitiisa iyo aas
aaskiisa qeyb weyn ka qaatay jaaliyadaha
dibedda iyo howlwadeeno firfircoon, waxuuna soo kordhiyay
nidaam waxbarasho u horseeda dadka ku dhaqan Muqdisho,
kuwaasi oo ka daalay schoolo lacago badan lagu dhigto.
Maslah Osman
Hobyonet-- Muqdisho
hobyonet@gmail.com