Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan oo gar gaar deg deg ah la weydiistay.
![]()
Cismaan Xalane Xasan waa wiil yar oo Afar jir ah, waxa uu dhashay isagoo aan laheyn wax gacmo ah, taasoo dhibaato xoogan ku abuurtay.
Wiilkaan yar waxa uu ku dhashay tuulo u dhow magaalada Beledweyne, waxaana aabihiis uu qarin jiray muddo, aabihii ayaa markii dambe geeriyooday taasoo suurta galisay in ummada Soomaaliyeed ay arkaan dhibaatada xoogan ee wiilkan yar heysata.
Wiilkaan ayaa ka dhashay qoys faqiir ah oo aan waxba heysan, iyadoo ay la dhasheen caruur toddobo gaaray oo isku xig xiga.
Wiilkaan ayaa muddo ku sugnaa caasimada Somalia ee Muqdisho, halkaaso ay keeneen ganacsato Soomaaliyeed oo ugu horeeyay Xaaji Cabdifitaax Axmed Maxamuud oo in muddo ah ku howlahaa sidii gargaar loogu fidin lahaa dhibanahaan yar.
Wiilkaan ayaa hada waxaa la keenay magaalada Hargeysa si baaritaano loogu sameeyo, maadaama qiyaastii 17-saacadood maalintii uu ooynayo taasoo aan la ogeyn halka laga heysto.
Dhaqaatiirta caafimaadka ee magaalada Hargeysa oo iskugu jira kuwo Soomaali ah iyo kuwa Ajaanib ah ayaa gabi ahaantoodba sheegay inaan xiligaan wax looga qaban karin wiilkaan gudaha dalka isla markaana u baahan yahay gar gaar dibadeed si loo badbaadiyo naftiisa hadii Alle yiraahdo.
Hooyada dhashay wiilkaan oo aad u dhibaateysan iyadana ayaa iyadoo ilmeyneysa shabakadaha wararka ee Soomaalida ka codsatay inay hadalkeeda u gudbiyaan walaalaheeda Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan si ay dhexda ugu xirtaan u gargaarista wiilkeeda dhibaateysan.
Hooyada dhashay wiilkaan yar ee dhiban ayaa tiri "Walaalayaan waxba ma heysto, wiilkeygana dhibaatadaana aad arkeysana ayuu ku dhex jiraa, waxaan idinka codsayaa cid kasta inay waxii ii awooda igu kaalmeysa si aan gargaar caafimaad oo deg deg ah aan ugu helo wiilkeyga, mar labaad iyo mar sadaxaad ayaan idinka codsanayaa inaad ii gar gaar waxii aad i dheer tihiin Allena ajir aan lasoo koobi karin adduun iyo aaqribaha ha idinku badalo".
Hadaba Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan waxaa sidoo kale dhaqaatiirka caafimaadka ee Hargeysa iyo Muqdisho iyo Culumaa'udiinka dalka oo isku duuban ay ka codsanayaan inay waxii ay awoododa ah ku taraan wiilkaan aad u dhibaateysan ee gacmo la'aanta dhashay.
Hadaba walaal muslimoow u gar gaar wiilkaaan dhibaateysan ee aan gacmaha laheyn.
Ciddii doonaysa inay gargaar lacageed ama mid kale u fidisa wiilkaan dhibaateysan waxey ugu soo hagaajin karaan Ganacsadaha gacanta ku haya wiilkaan iyo hooyadiisa Cabdifitaax Axmed Maxamuud - Tel: 0025224455566 ama 0025265500099 - Email: ugargaar@yahoo.com - Hargeysa - Somaliland