Galmudug: Maamul la mahadshay.
Tan iyo markii uu burburay hanaankii dowladnimo ee uu qaranka Soomaaliyeed lahaa, afkana ciida loo daray dowladii Kacaanka ee uu hogaaminayay Gen Maxamed Siyaad ,ayaa waxaa soo ifbaxay foowdo iyo kala daadsho dhismihii maamul ee ay lahayd dowladii dhisnayd .
Dagaalo iyo colaado ku salaysan heyb qabiil ayaa ummadi isku laysay waxayna koox waliba maciin bideen inay u baxsadaan deegaanadii asal ahaan ay ka soo jeedeen iyadoo maanka ku haysa bal mar inay ku badbaadaan ,waxaana goobihii dadku beegsaday ka dhashay fikrado lagu doonayo in lagu dhisto maamul yar yar si loo daboolo baahiyaha jira oo dadku isku kaashadan dhibaatooyinka ay abuurtay fowdadu .
Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiin,cuqaal iyo waxgarad ayaa isku xilsaaray inay abuuraan wax dowlad u ego o la yiraahdo ‘maamul goboledyo” kuwaasoo markii ugu horeysay laga hirgaliyay dhulka la magcbaxay Somaliland horayna loogu aqoon jiray gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ,midkaasoo lagu najaxay dhismihiisii ,inkastoo ragii ololeeyay ay dhinac kale u qaaden taasoo keentay isku day ay ku dooneen kala goynta dhulkii Soomaaliyeed balse aan riyadasi wali hirgalin.
Sidoo kale waxaa gobolada W/Bari waxgarad ka soo jeeda ay guntiga u xirteen inay iyagan dhistaan maamul ay ugu magacdareen Puntland ama dhulkii uduga kaasoo u soo jiiday inay helaan xasilooni lagu faano iyo maamul hanaqaaday.
Hadaan u soo dago dulucda maqaalkeygan, iyadoo laga anbaqaadayo baahida dadweynaha ku dhaqan degaanada Mudug iyo Galgaduud ee ku aadan hanaan maamul ayaa waxaa shir la qaban qaabinaya mudo sadex sano ah lagu qabtay xarunta gobolka Mudug magaalada Gaalkacyo, shirkaasoo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin,culima’udiin,qurbo jog, iyo aqoonyahano ka soo jeeda beelaha ku abtirsada degaanadaasi
Dood iyo falanqeyn dheer ka dib waxaa soo baxday in la dhiso maamul goboleed la magacbaxay Galmudug oo marka aad eegto halkudhiga uu muujinayo in labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud ay ku mataanaysan yihiin ,waxaase xusid mudan in wax waliba oo socda ay dad bilaabaan dabadeedna lagu midoobo oo la isla garto waxa uu u taagan yahay howsha la qabtay.
Hadaba intii ay dhisnayd dowlad goboleedka Galmudug State waxaa soo shaacbaxay ujeedadadii loo aasaasay oo ahayd in bulshada ku dhaqan degaankaasi ay u baahan yihiin maamul ay doortaan ,alle mahadiis waxaa meeshii ka soo baxay dad u heelan fikiradasi iyaga ayaana hogaankii loo dhiibay wallow waxooga dhaliilo ah ay jiraan.
Maxaa u hirgalay maamulka ? waa su’aal taagan oo mudan in loo helo jawaab , hadaan jaleeco degaankaasi waqtigan la joogo dibna u milicsado xaalkii ay ku sugnayd ka hor dhismaha maamul goboleedka waxan si fudud u oran karaa wax weyn ayaa u qabsoomay dhinacyada kala duwan ee u baahan yihiin umaddii dhisatay haday noqon la hayd dhinaca caafimaadka ,waxbarashada ,nabadgalyada iyo ka shaqeynta habka dibu heshiisiinta dadka walaalah ah ee wada dega goboladaasi .
Anigoon dicaayad u samee iga ahayn ayaan waxaa si aad ah ugu diirsaday maamulkan aan ugu magac daray “maamulkii la mahadshay” oo aan ula jeedo maamulka Galmudug state sida xilkasnimada leh ee uu ugu adeegayo dadkii doortay , waxa aniga si gaar ah ii soo jiitay dhinaca nabadgalyada oo wax weyn laga qabtay adeegyada kale iyo sida bulshada deegaanku isugu tashatay ,waxay indhahaagu qabanayaan dhismayaal qurxoon oo laga wado dhulalka ay maamusho dowlad goboleedkan da’da yar marka aad timaado magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah maamulkaas ayad dareemeysaa kalsooni iyo farxad ku aadan sida wax u socdaan , xiliyadii hore waxaad dheehan kartay bulsho kala daadsan laakin hada isbadal muuqda ayaa ku arkaysaa magaalada taasina waxaa ugu wacan nidaamka oo howl hagar la’aan ah galiyay wax u qabashada degaanadaasi.
Waxaan maqalkeygan ku soo afjarayaa hadaladan “ waad dhalatayee cimrigaa ha dheeraado” iyo noqo maamulkii la mahadsho insha allah
BY= Nasro Gamadiid