Home » Musharax You are browsing entries filed in “Musharax”

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo lagu eedeeyay in ay taageereen Musharax

Golaha Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku eedeeyay in Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil fartaag in uu ku dhaqaaqay fal ka baxsan shaqadii loo igmaday. Waxaa ay sheegeen in uu si cad u taageeray mid ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ,islamarkaana uu u sheegay […]

Posted in Musharax,News,Wararka Maanta | Read More »

Akhriso:-Jadwalka Hadal jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya oo La Shaaciyay

Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa goordhaweyd soo saaray Jadwalka Hadal jeedinta Musharixiinta madaxweynaha oo bilaaban doonta 2/2/2017-ka oo ku beegan Maalinta Khamiista  ah. Maalinta Kowaad ee Hadal jeedinta ayaa waxaa ku jira Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee  dowladd Soomaliya Mudane Xasan shiikh Maxamuud,  Madaxweynihii Hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaliya Shiikh Shariiif […]

Posted in Musharax,News,Wararka Maanta | Read More »

Madaxwayne Xasan Shiikh Oo Qaaday Talaabo Ka Nixisay Musharixiinta Kale Ka Dib Markii Uu La Kulmay…..

Magaalada mqdisho ayaa waxaa ka dhacay xalay kulan dhex maray madaxwayne xasan shiikh maxamuud iyo 180 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya oo taageersan olalihiisa musharaxnimo Madaxwayne xasan shiikh ayaa xildhibaanadaan usameeyay xaflad casho sharaf ah waxaana ay ubalan qaadeen 180 xildhibaan in ay codkooda siin doonaan arintaasi oo layaab iyo murug ku noqotay musharixiinta […]

Posted in Musharax,News,Wararka Maanta | Read More »

Akhriso:-Diiwaangelinta Musharaxiinta u Taagan Madaxweynaha Soomaaliya oo Lasoo Gaba-gabeeyay iyo Beelaha Ay Kasoo Jeedaan Musharixinta isdiwaangalisay

Guddiga Qaban-qaabada Doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa goordhaweyd soo gaba-gabeeyay araajiyo qabashada Mushariixinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya. Gudoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Doorashada madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa goordhaweyd sheegay in lasoo gaba-gabeeyay araajida qabashada islamarkaan tan iyo 26-bishaan ay isdiiwangaliyeen 18-musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Cusub ee Soomaliya. Guddiga Doorashada […]

Posted in Musharax,News,Wararka Maanta | Read More »

Xog Rasmi Ah:Xildhibaanada Beelaha Habargidir Iyo Mareexaan Oo Muqdisho Ka Bilaabay Qorshe Halis Ah Kuna Hashiiyay…..

Xili ay fooda nagu soo hayso doorashada madaxwaynaha soomaaliya oo 8 da bisha oo socota muqdisho ka qabsoomi doonya ayaa durbaba waxaa bilowday is bahaysi qarsoon oo ay wadaan xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya Kulan ay magaalada muqdisho ku yeesheen xildhibaanada kasoo jeeda beelaha habargidir iyo mareexaan ayay kaga hadleen cida ay u caleema saarayaan madaxwaynaha soomaaliya […]

Posted in Aragtida,Musharax,News,Wararka Maanta | Read More »

(Akhriso): Magacyadda Murashxiiinta Madaxtinimadda Ee Ilaa Iyo Haatan Is-Diiwaan Gelisay.

Inta badan Murashixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS ayaa is-diiwaan geliyey, lana siiyey Shahaadooyinka Caddaynta Murashaxnimadda, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashaddaasi oo Madashooda Dhexe ku taallo Villa Hargeysa. Ilaa 15-Siyaasi ayaa isudiiwaan gelisay xilkaasi, kuwaasi oo kala ah: 1- Murashax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed 2- Murashax Madaxweyne Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke 3- […]

Posted in Musharax,News,Wararka Maanta | Read More »

Daawo Sawirada:Musharax Madaxweyne Farmaajo oo maantay la Guddoonsiiyay Shihaadadii musharaxnimada

Muqdisho, January, 2017 – Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad kursiga madaxtinimo ee dalka ayaa maantay Guddiga Doorashada ka guddoomay shihaadadii tartanka kaddib, markii uu buuxiyay sharuudihii looga baahnaa. Musharax Farmaajo oo horay dalka uga soo noqday R/wasaare ayaa xilkaan u tartamaya markii 2aad, waxaana dadka odorosa siyaasadda […]

Posted in Musharax,News,Wararka Maanta | Read More »

Daaw Sawiro:Madaxwayne Xasan Shiikh Oo Taageero Lama Filaan Ah Ka Helay Xildhibaanada Laga Soo Doortay Deegaanada Puntaland

Madaxweyniii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole) haatana kamid ah Xubnaha aqalka Sare ee dalka islamarkaana ah Musharax Madaxweyne ayaa maanta Xarunta Madaxyooyada villa Soomaliya kula kulmay Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud  oo asna ah Musharax Madaxweyne. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xubnaha Labada aqal ee ka imaanaya deeganada Maamulka Puntland […]

Posted in Musharax,News,Wararka Maanta | Read More »

Musharaxa Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf Oo Kusoo Wajahan Magaalada gaalkacyo Asagoo Doonayo….

Xili dhawaan ganacsade Axmed Ducaale Geele Xaaf uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxwaynaha galmudug ayadoo baarlamaanka galmudug ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen c/kariin xuseen guuleed madaxwaynihii galmudug Musharax xaaf ayaa haatan doonayo in uu bilaabo olalihiisa doorashada asagoo tagi doono deegaano badan oo ka tirsan galmudug magaalada […]

Posted in Musharax,News,Wararka GalMudug,Wararka Maanta | Read More »

Magacyada Musharaxiin Madaxweyne oo la diiwaan geliyay

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay illaa iyo hadda ay diiwaan-geliyeen afar ka mid ah musharaxiinta u taagan jegada madaxtinimada dalka. Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo fadhigeedu uu yahay Xarunta Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxaa Khamiistii si rasmi ah uga bilowday diiwaan-gelinta musharaxiinta. Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore […]

Posted in Musharax,News,Wararka Maanta | Read More »