Google   
   

 

 

Kulan Balaaran oo ay isugu yimaadeen Saraakiil Ka socotay Hey’adaha Qaramadda Midoobay Iyo Madaxda Dowlad Gobaleedka Galmudug, islamarkaana uu goobjooge ka ahaa Xildhibaan Axmed Ducaale Geele Xaaf, oo ah xildhibaan ka tirsan DFKMS, ayaa  Ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug State.

 

         Hobyonet. Muqdisho  Axad, Jan. 27, 2008

Shirkaas Waxaa ka soo qeybgalay Saraakiil ka tirsan hey’addaha Qaramad Midoobay, Madxda Dowlad Gobaleedka Galmudug, Madaxda Jaaliyadaha dibedda , Howl wadeeno Ka yimid Muqdisho, Nabadoono, Xildhibaan Xaaf, oo ka tirsan Dowladda Federaalka Iyo Waxgarad kale.

Soo dhaweyn Balaaran kadib oo Madaxdii ka socotay hey’adaha UNKa loogu sameeyay Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Galmudug State, Waxaa Shirka Furay Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Xuseen Ow Cabdule Cali oo ku soo dhaweeyay Hadalka Sarkaal Ka socday Hey’adda UNOCHA oo lagu magacaabo Oddineinar Olsen oo ka hadlay uu jeedada Safarka Qaramada Midoobay ee ku Timid Dowlad Gobaleedka Galmudug, waxa kale oo uu sheegay in ay isbedalka Nabadgalyo ee ka dhashay koofurta Mudug ay suurta galineyso imaanshaha hey’addaha Umaddaha Midoobay Gobalka,

Waxa uuna Xusay in waddada isku xirta Gaalkacyo ilaa Galinsoor amnigeeda wax laga qabtay taasina ay suurta galineeso in hey’addaha UN- ka ay Xafiisyo Ka fuurtaan Koofurta Gaalkacyo si hey’adduhu u isticmaalaan wadadaas taasina macnaheedu ay san aheen in koofurta Gaalkacyo ee Dowlad Gobaleydka Galmudug La ilaabayo,waxa uu balan qaaday in koofurta Gaalkacyo ay Noqonayso Meesha Saldhiga U noqoneysa Howlaha UN-ka ee kafulinayaa Gobalad dhaxe oo dhan, maadaama xafiisyada laga furayo koofurta Gaalkacyo.

 

Waxaa kale, oo uu ka dhawaajiya Mr. Oddeinar Olsen in hey’addaaha NRC ( Norwegian Refugee council) oo ah hey’ad aad looga tixgaliyo marka laga hadlayo arimaha Bini’adanimo iyo hey’ad kale oo lagu magacaabo IRC labadu ay diyaar u yihiin in ay xafiisyo ka furtaan Koofurta Gaalkacyo ee Galmudug State, hey’ad kale oo aydana layiraahdo IR( International Relief ) ay qorsheenayso in bilowga bisha soo socota ee Febraayo in ay ka fuliso koonfurta Mudug Mashaariic ku saabsan Nadaafaddda.

Gordon Brown oo ah Mas’uulka ugu sareeya hey’adda UNHCR oo dhawaan loo soo magacaabay Somalia ayaa sidoo kale halkaas ka hadlay wuxuuna sheegay In muddo hal sano kahor, aysan ajandaha ugu jiri South Mudug laakiin hadda Maamulka ka jira iyo dadaalada la wado ay doonayaan in ay Xafiisyo Ka furtaan Galmudug State.

Madaxdii UN-ka ee Kulankaas ka qeybgalay waxay ay kala yihiin

Oddeinar Olsen                                       UNOCHA

Gordon Brown                                          UNHCR

Maxamee C/rixman (Dhabancad)         UNOCHA

Cawil Biixi                                                UNDSS.

Dhanka kale, Mas’uuliyiintii Galmudug, Jaaliyadaha Dibedda, Howlwadeenadii ka yimid Muqdisho waxaana halkaasi ka hadlay,

Kusimaha madax weynaha Galmudug, C/samad Nuur Guuleed.

Guddoomiye Kuxigeenka 1 aad ee Barlamanka Galmudug Xasan Macalin Yuusuf.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Md. Xasan Faarax Barre.

Guddoomiyah Degmadda Gaalkacyo Xuseen Ow Cabdulle.

Madaxdad Jaaliyadaha Xaaji Cabdi Nuur (Cabdi Bukud).

Howl wadaynadda ka yimid muqdisho waxaa halkaas ka hadlay

Axmed Maxamed Xasan (Baasto),

 Maxamed Nuur Iyo

Xildhibaan Axmed Ducaale Geele (Xaaf)

Dhamaan mas’uuliyiintaas waxay ku dhiirigaliyeen Saraakiisha UN-ka ee shirka ay la yeesheen in sida ugu dhaqsaha badan ay xafiisyada ku furaan Gobalkuna hada yahay nabad ayna waxa ka qabtaan Abaaraha dheeraaday ee Gobalka Ka jira iyo xaalada bini’aadanimo iyo in aysan noqon shaqada He’adduhu afcidla ah oo marka shirka dhamaado meeshaas looga tago waxyaabihii laga wada hadlay.

Ugudanbeyntii, waxa shirka soo gabagabeeyay Kusimaha Madax weynaha Galmudug C/samad Nuur Guuleed, oo u sheegay in ay maanta ay lug ku mari karaan dhamaan deegaanada Galmudug ayna si toos ah u la soo xariiraan Maamulka Dowlad Gobaledka Galmudug shirkuna waxa uu ku soo gabagaboobay jawi is afgarad leh…….

C/risaaq Yaasiin Maxamed

Hobyonet

Gaalkacyo—Galmudug

yaasiinyare@gmail.com