Google   
   

 

 
 


 

Ryan Babel, ayaa la filayaa in uu u wareego kooxda Liverpool

              Hobyonet Sports. Jimce, July 13, 2007

Ciyaar yahanka kooxda kubadda cagta Ajax Ryan Babel, ayaa waxa uu kooxda Liverpool manta la saxiixan doonaa heshiis 5 sano ah, kadib markii labada koox ay ku heshiisiyeen in ciyaryahanka lagula soo wareego lacag gaareyso £11.5m.

“ Liverpool waxay oggolataay heshiiska ay la gaartay kooxda Ajax iyo ciyaar yahanka.” Ayuu yiri afhayeenka kooxda Liverpool Ian Cotton.

Babel waxa uu ka mid ahaa kooxda wadanka Holland ee ku guuleystay koobka ciyaartooda da’dooda  ka yar tahay 21 sano bishii June ee aynu soo dhaafnay.

Laacibka Ryan Bebal, ayaa waxaa uu ku soo biiray kooxda Ajax sanadkii 2004ta isagoo 17 jir ah, wuxuuna u dhaliyey kooxda Ajax 5 gool ciyaarihii ugu dambeeyey ee dalkaasi laga ciyaaro.

Babel, oo si weyn loola xiriirinayey kooxda Arsenal, ayaa waxaa  dhowr goor horistaagay in uu ku biro Arsenal kooxda uu u ciyaaro ee Ajax.

Madaxa farsamada kooxda Ajax Martin Vab Geel, ayaa waxa uu kal hore caddeeyey in naadiga Holland uusan dooneynin in uu iibiyo Babel ayna ka go’an tahay in la hubiyo in laacibka lagu helo lacag wanaagsan.

“ Liverpool waxay dooneysaa in ay ku bixiso ciyaar yahanka lacag cadadkeedu badan yahay.” Ayuu yiri Van Geel, wuxuuna sii raaciyey “ Waxaan u sheegnay waxa aynu dooneyno, taasoo ah 20m euros (£13.5m). taasi waa qiimaha aan ku doneyno.”

“Waxaan jeclaan laheyn in aan aragno Babel oo xilli ciyaareedka soo socdo ka ciyaara halka,  waxaynu kordhinay heshiiska uu nagula joogayo, oo aan gaarsiinay 20101.” Ayuu sii raaciyey Van Geel.

"Laakiin haddii aan aragno naadi doonaya in uu bixiyo lacagta aan sheegnaya waa arrin kale. Waan arki doonaa haddii maalmaha soo socdo heshiis laga gaaro.”

Tababaraha kooxda Liverpool Rafael Benites ayaa waxa uu kala hore heshiisyo hordhan la gaaray ciyaaryahanada kala ah Fernando Torees,  Andriy Voronin iyo caiyaar yahanka qadka dhaxe ee Yosii Benayoun

 

    Hobyonet Sports News