Kooxda
kubadda cagta ee ManchestKooxda
kubadda cagta ee Manchester United,
ayaa iska fogeysay wararka sheegaya
in ciyaar yahanka Carlos Teves la
filayo in maalinta Talaadada ah uu
maro baaritaan caafimaad si uu uga
mid noqdo ciyaartooyda naadigaasi.
Wakiilada ciyaar yahanka ayaa waxa
ay sheegeen in ay dhawdahay in
arrimaha maamulka la xalliyo, balse
kooxda West Ham ay ka go’an tahay
heshiiska.
Tababaraha United
Sir Alex Frguson, ayaa waxa uu
rajeynayaa in ciyaar yahanka uu u
soo dhaqaaqi doono dhinaca
Man.united, balse xariirka kubadda
cagta ee dalka Ingiriiska, ayaa uga
digay West Ham inay wajihi doonto
qataro badan oo dhinaca
dishibiliinka ah haddii aysan helin
lacag lagu baddasho ciyaar yahanka
22 jirka ah.
Kooxda kubadda
cagta ee Man.united, ayaa waxa ay si
weyn u dooneysay ciyaar yahankaasi,
basle waxay ay mas’uuliyiin u hadlay
sheegeen in aysan weli jir wax
heshiis ah laga gaarin soo
wareegidda ciyaar yahanka.
Hobyonet Sports News