Xulalka Argentina iyo Mexico, ayaa u
gudbay ciyaaraha afarta ee tartanka
koobka Laatiin Ameerica.
Hobyonet Sports.
Khamiis, July 12, 2007
Xulka kubadda cagta ee dalka
Argentina, oo ah dalka loo
saadaaliyey in uu ku guuleysanayo
koobka kubadda cagta ee Laatiin
America, ayaa waxa ay u gudubtay
ciyaaraha semi-finalka, kadib markii
ay 4 iyo 0 ku dhufteen xulka dalka
Peru. Iyadoo xulka Mexico uu 6 iyo 0
ugu awood sheegtay dalka Paraguay.
Maalintii Sabtida aheyd, ayaa
wadanka Uruguay waxa uu dalka
martida loo yahay ee Venesuala uga
itaal roonaaday 4-1. Wadanka
Baraasiil, ayaa waxa uu 6-1 dhinaca
dhulka ugu dhigay dalka Chile si uu
ugu soo gudbo ciyaaraha Semi-finalka.
Ciyaar yahanka qadka dhaxe ee dalka
Argentina, Juan Roman Riquelme, ayaa
dhaliyey laba gool oo ka mid ah
goolasha uu ku badiyey xulka
Argentina, isagoo soo qaabeeyey gool
3aad oo uu u baasay ciyaaryahanka
Albioeleste.
Xulka dalka Mexico, ayaa waxa ay
ciyaartii ay la dheeleen dalka
Paraguay ahaayeen kuwa lahaa inta
badan awoodda ciyaarta, waxayna
fursad u diideen ciyaartoydii ka
socotay wadanka Paraguay, oo aan wax
gool ah dhalin.
Kooxaha Argentina, Brasile, Mexico
ayaa waxa ay u soo gudbeen ciyaaraha
semi-finalka ee tartanka koobka
Latin America.