Google   
   

 

 
 


Ciyaar yahan Messi, ayaa u suuragaliyey xulka dalkiisa in uu u soo gudbo ciyaaraha kama dambeyska ah ee Kooba America

 

              Hobyonet Sports. Khamiis, July 12, 2007

Xulka kubadda cagta ee dalka Argentina, ayaa 3 iyo 0 ku garaacay xulka dalka Mexico, iyadoo ay Argentina u gudubtay caiyaarta Finalka oo ay ola yeelan doonto wadanka Brasile.

Ciyaaryahank dalka Argentine ee u ciyaara kooxda kubadda cagta ee dalka Ingiriiska Gabriel Heinze, ayaa goolkii ugu horreeyey u dhaliyey, waxaana goolkii labaad oo mucjiso lahaa u saxiixay xulka dalka Argentina laacibka u ciyaara kooxda Barcelone ee dalka Spain  Lionel Massi

Goolka 3aad ee ay Argentine ka dhalisay dalka Mexico, ayaa waxaa uu ahaa mid rigoore, kaasoo uu u saxiixay ciyaaryahanka Juan Roman Riquelme.

Kooxda Mexico, ayaa waxaa ay ciyaarto ku billawday qaab aad u wanaagsan, balse waxaa dhinaca u riixay laacibiinta dalka Argentina oo loo saadliyey in ay ku guuleysanayaan koobka Latin America.

Ciyaaryahanada Javier Zanetti iyo Carlos Teves, ayaa waxaa ay dhowr goor laadad culus ku rideen gool-hayaha dalka Mexico, balse wax goolal ah halkaasi ma aysan ka dhalin.

Kooxda Argentina ayaa waxa ciyaarta kama dambeysta ah iskaga hor-imaan doonaan xulka dalka Brasile oo u soo awood sheegtay ciyaartooyadii ka socotay dalka Uruguay.

Argentina, ayaa waxa ay kula xarbin doonto Brasile in ay koobkaas ku guuleysato m arkii 15aad, waxaana inta badan warbaahinta Latine America ay saadaaliyeen in ciyaartooyada Argentina ay ku guuleysan doonaan koobkaasi loo tartamayo.

.

 

    Hobyonet Sports News