Owen oo iska fogeeyey
in uu ka tagi doono kooxda uu
muddada la joogay ee Newcastle
United
Hobyonet Sports.
Khamiis, July 12, 2007

Weeraryahanka dalka Ingiriiska, una
ciyaara kooxda kubadda cagta ee
Newcastle United. Michael Owen, ayaa
shaaciyey in uusan marnaba ka tagi
doonin kooxdiisa Newcastle, oo uu u
sii ciyaari doono xilli ciyaareedka
soo socda.
Owen, oo 27 jir ah, ayaa waxaa lala
xiriirinayey in uu ka tagayo
garoonka ay Newcastle ku ciyaarto ee
St James Park, balse wuxuu caddeeyey
in ay ka go’an tahay in uu ka sii
mid ahaado kooxda Magpies.
“Waxaan rumeysanahay in wakhti
wanaagsan ay ii noqon karto in aan
sii joogo Newcastle, taasoo ah
sababta aan sida weyn ugu
faraxsanahay in aan halkaan sii
joogo.” Ayuu yir Owen
“ Waxaan jiray jahwareer badan oo
ku aadan mustaqbalkeyga, balse
waxaan u xaqiijinayaa taageerayaasha
Newcastle in aanan ka tagi doonin.”
Ayuu u sheegay wargeyska The Times.
Owen, ayaa waxa uu seegay ka qayb
galka cilli ciyaareedkii ugu
dambeeyey, isagoo la dhibaatoonayey
dhaawac Qatar ah oo ka soo gaaray
jilibka, markii uu u ciyaarayey
wadankiisa Ingiriiska caiyaarihii
koobka adduunka ee 2006.