Google   
   

 

 
 


 

Pele ayaa uga digay ciyaaryahanka Ingiriiska David Beckham in uu wajihi doono xaalad tijaabo ah.

              Hobyonet Sports. Khamiis, July 12, 2007

 

Laacibkii hore ee kubadda cagta adduunka ee Pele, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in David Beckhem uu horumarin karo ciyaaraha, balse loo baahan yahay in uu lahaado diyaargarow wanaagsan.

Maalinta Jimacaha ah, ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo in David Beckhem uu ka mid noqonayo ciyaartooyada kooxda LA Galaxy ee dalka Mareykanka.

Beckhem oo 32 jir ah, kuna soo qaatay afar sano kooxda kubadda cagta dalka Spain ee Real Madrid,  ayaa keenay sara kac saxaafadeed oo ciyaaraha Mareykanka ah tan iyo markii lagu dhawaaqay in uu ka ciyaari doono dalkaasi.

“ Qof walba waa uu ogyahay in David Beckhem uu yahay ciyaar yahan wanaagsan. Waa ciyaar yahan laga yaqaano caalamka oo dhan, waxaana u maleynayaan in uu gacan ka geysan karo horumarinta ciyaaraha kubadda cagta ee dalka Mareykanka.” Ayuu yiri Pele.

Pele, ayaa waxa uu, si kastabah ahaatee  u soo jeediyey Beckhem digiin taxadar leh, oo ah in heerka kubadda cagta ee dalka Mareykanka aan wax horumar ah laga gaarin sidaas darteedna looga baahan yahay Beckhem in uu dulqaad yeesho.

“Waxaan kula talinayaa Beckhem…. Waxay ahaan doontaa wax adag in la ciyaar, maxaayeelay kooxaha waa ay wanaagsan yihiin. Si wanaagsan waa ay u diyaarsan yihiin, mana aha wax fudud in laga ciyaaro dalka Mareykanka. Ciyaaraha waxa ay marayaan meel sare.” Ayuu sii raaciyey Pele.

Ugu dambeyn Pele ayaa u soo jeediyey Beckhem in uu ahaa mid dulqaad u leh ciyaaraha kubadda cagta ee dalka Mareykanka.

        Hobyonet Sports News